Golaha Guutida oo Gurmad Ergo ah u diraya Laba Ardaa oo Isku Haya Deegaanka Oodweyne.
Hargeysa (Ishanews) Golaha Guurtidda Somaliland ayaa maanta u diraya Deegaanka Oodweyne 4 xildhibaan oo ka ergayn doona xaalad colaadeed oo ka dhex taagaan laba ardaa oo ka soo jeeda Beesha Habar/Yoonis oo kala ah Muuse Cabdalle iyo Ugaadh Cumar oo isku haya Degsiimo cusub oo labada ardaa mid ka mid ah ay deegaankaasi ka yagleelayso.
Ergadan Golaha Guurtiddu u xuleen xalin khalaafkaasi labada Ardaa oo kala ah Sh. Khaliif Sh. Xasan Gudaal, Caydiid Cabdi Maxamed, C/qaadir Maxamed Xasan iyo Maamuud Xareed Rooble ayaa maanta u ambabixi doona dhulkaa degsiimada ah ee ay labada ardaa isku haystaan, kaasi oo ay maalmahanba ka aloosnayd xaalad colaadeed oo hubka la isku soo gurtay, taasi oo laga cabsi qabo in labada beelood ay diriri ku dhex-marto haddii aan wax lag qaban.
Tegitaanka xubnaha Golaha Guurtidda ayaa ka timid qayla-dhaan Wasaaradda Arrimaha Guduhu kaga codsatay Golaha Guurtidda sidii ay dhakhso arrintaasi ugu gurman lahaayeen una damin lahaayeen xiisadaasi, taasi oo ah mid ka mid ah waajibaadyada Golaha Guurtiddu ugu idman yahay Qarankan.
Qayla-dhaantan oo maalmahanba taagnayd ayaa la sheegay in illaa hadda aan wax xal ah loo helin, iyadoo la filayay khamiistiiba in Mudanayaasha Golaha Guurtiddu ay ambabaxaan, ayaa waxa hakad geliyay arrimo dhaqaale oo kaga xidhmay dhinac Xukuumada taasoo u suurta-geli wayday arrinta oo deg-deg ahayd iyo dibu-dhac dhinaca Wasaaradda Maaliyadda oo la sheegay in hawshan gunnaynteeda iyo kharashkeeda iyada loo xil saaray,.
Xiisadan ayaa ka aloosantay ka dib markii deegaankaasi oo ah dhul-daaqsimeen ah ay ardaaga Muuse Cabdale ka dhiseen Iskuul meel u dhow Ceel Biyood ku yaal Deegaankaasi, taasi oo ay Beesha Ugaadh Cumar ka hortimid isla markaana ay ku dooday in ay tahay meeshu daaqsin ee aanay degsiimo noqon karin, taasoo dhalisay in labada ardaa isku maan-dhaafaan.
C/raxman Osman C/laahi(Isbatore)
Ishanews Media Group
Email.expensiveman_10@hotmail.com
Hargeysa, Somaliland
Allow Colaada naga qabooji.
Golaha Guutida oo Gurmad Ergo ah u diraya Laba Ardaa
Moderator: Moderators
- Somalistan
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4778
- Joined: Sat Sep 15, 2007 10:24 am
- Location: Oodwayne, Togdheer,Somaliland
Re: Golaha Guutida oo Gurmad Ergo ah u diraya Laba Ardaa
No colaad between the sons of Ismail Arreh. 

- kaliil
- SomaliNet Super
- Posts: 5400
- Joined: Thu Oct 30, 2003 7:00 pm
- Location: Nin ku yidhi sinaanmayno adna diid sarayntiisa
Re: Golaha Guutida oo Gurmad Ergo ah u diraya Laba Ardaa
Salaadiinta Gobolka Oodweyne Oo Daboolka Ka Qaaday Inay Xakameen Oo Ay Dejiyeen Khilaaf Khul Oo Soo Kala Dhex-galay Labada Ardaa + Talooyin Ay U Soo Jeediyeen Madaxweyne Silaanyo
Hargeysa (Oodweynenews)- Suldaanka guud ee Gobolka Oodweyne Suldaan Cabdiraxmaan Cabdilaahi Aw Good iyo Suldaan Cabdiraxmaan Cawaale Hurre, ayaa shaaca ka qaaday inay ku gulaysteen xakamaynta iyo wax-ka-qabashada khilaaf deegaaneed cakiran oo soo kala dhex-galay laba Ardaa oo Habaryoonis ah [Muuse Cabdle iyo Ugaadh cumar].
Salaadiinta oo sidan ka sheegay shirjaraa’id oo ay galabta ku qabteen magaalada Hargeysa, ayaa waxa ay tilmaameen dadaal xoogan ka galeen sidii ay u soo af-jari lahaayeen khilaaf xoogan oo deegaan ka tirsan ku dhex-maray labada Ardaa oo ka tirsan beesha Habaryoonis [Muuse Cabdle iyo Ugaadh cumar], kuwaas oo ay sheegeen in khilaafkoodu ka kacay samaynta Tuulo laga yagleeyay meel dhul-daaqsimeed ah.
“Waxa aanu leenahay, haddii aanu nahay Odoyaashii deegaanka [Oodweyne] iy reerka, arrinta halkaa ka hirta annaga ayaa dhamaynayna imika gacantga ayaanu ku haynaa, oo shirar ayaanu u diranay ciddii ay si hoos ahaan u sii qusaynaysay, haddii ay taasi dhici waydana wax dhibaato ahi kama dhacayso oo annaga ayaa gacanta ku hayna.” Ayuu yidhi Suldaan Cabdiraxmaan Cabdilaahi Aw Good.
Waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Haddii loo tixgelin waayay Gobolka Oodweyne oo arrintaasi hoos jooftay in xilkeeda la saaro oo dawlad ahaan ku dhameeyo, haddii la tixgelin waayo oo la fulin waayo go’aankii aanu soo gaadhnay guddiyadii halkaas ka hawl-gashay, waxa aanu leenahay tallaabada dambe ee imika laa qaadaa ee ay dawladu qaadaa, waxa aanu u aragnaa mid aan marinkeedii lahayn.Markaa waxaanu leenahay arrinkaa haka joogsado Wasiirka Arrimaha Guduhu.”
Waxa kale oo ay salaadiinta u soo jeediyeen Madaxeyne Silaanyo inay xaukuumadiisu joojiso dabagalka xisaabeed ee cawaada abuuri karaya ee reeraysan, isla markaana inuu sinnaan iyo caddaada ku maamulo Somaliland oo aanu dadka kala dhawaysan.
Hadalkii Salaadiinta oo dhamaystiran hadhaw ayaad dhegaysan doontaan ee la socda.
Oodweynenews.com/Hargeysa Office
http://oodweynenews.com/news/18148-sala ... aanyo.html

- AbrahamXirsi
- Posts: 136
- Joined: Wed May 05, 2010 7:09 pm
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 9 Replies
- 1211 Views
-
Last post by KyrieJama
-
- 2 Replies
- 698 Views
-
Last post by Est.1980's
-
- 0 Replies
- 357 Views
-
Last post by Mondey
-
- 0 Replies
- 1061 Views
-
Last post by Erigavo-Man
-
- 25 Replies
- 1539 Views
-
Last post by zulaika
-
- 1 Replies
- 10944 Views
-
Last post by LooxJiid
-
- 5 Replies
- 1918 Views
-
Last post by AbuDujanah
-
- 5 Replies
- 652 Views
-
Last post by eyes-only
-
- 0 Replies
- 189 Views
-
Last post by bashe19