Jaaliyadda Awbarre, Denbel iyo Bariga Shiniile applaud peace

User avatar
RuralMan08
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4512
Joined: Thu Sep 10, 2009 8:45 am
Location: His Royal Majesty

Jaaliyadda Awbarre, Denbel iyo Bariga Shiniile applaud peace

Post by RuralMan08 »

Jaaliyadaha Yurub ee u Dhashay Degmooyinka Aw-Barre iyo Dambal ee Deegaanka Soomaalida Ethoipia oo Taageeray Heshiiska Dawlada Fedraalka Ethoipia iyo Ururka ONLF
October 16, 2010
By staff-reporter

Awdalpress(London) 16 Oct.10– Jaaliyadaha ku dhaqan dalalka Holland, Sweden, UK, Norwey iyo Swisarland ee u dhashay degmooyinka Aw-Barre iyo Dambal ee deegaanka Soomaaliada Ethoipia ayaa taageeray heshiiska nabada ee ay kala sexeexdeen dawlada fedraalka Ethoipia iyo Ururka ONLF, xubnaha jaaliyadahaas ayaa kula soo xidhiidhay shabakada wararka ee Awdalpress emailo iyo isgaadhsiimaha kale ee casriga ah, waxaanay fariimahadooda ku sheegeen sidan;

“Hadaan nahay Jaaliyadaha degen wadamada Yurub qaar ka mid ah ee u dhashay degmooyinka Aw-barre iyo Dambal ee deegaanka Soomaalida Ethoipia waxaan taageersanahay heshiiska nabadgelyada ah ee dhexmaray Dawlada Fedraalka Ethoipia iyo Ururka ONLF, heshiiskaas oo aan u Aragno mid u dan ah shacabka Soomaaliyeed ee degen deegaanka Kililka 5aad ee Soomaalida Ethoipia, haddii ay tahay xag nabadgelyo, Horumar iyo dhaqan//dhaqaale, isla markaana dani ay ugu wada jirto guud ahaan wadanka Ethoipia horumarkiisa, dhaqaalihiisa iyo nolosha shucuubta ku wada nool.

Waxaan aad ugu hambalyaynaynaa sida fiican ee ay labada dhinac u gaadheen heshiiskaas taariikhiga ah, waxaanan taageersanahay in wax walba wadahadal lagu xaliyo, nabaduna ay tahay furaha horumarka shacabka.

Sidoo kale waxaan si aad ah ugu hambalyaynaynaa Madaxweynaha dawlada Deegaanka Soomalida Ethoipia Cabdi Maxamuud Cumar oo isagu dadaal dheeraad ka sameeyay deegaanka Soomaalida Ethoipia Horumarkiisa iyo Nabadgelyadiisa, wuxuuna ku dedaalay sidii heshiiskaasi loo wada gaadhi lahaa, waana arin uu amaan ku mudan yahay, waanan ku taageersanahay M/weynaha dedaalkiisa, waxaanan u rajaynaynaa in uu halkaas ka sii wado waxqabadkiisa muuqda. waxaanan leenahay NABADU waa furaha Horumarka shacabka Soomaaliyeed ee reer Ethoipia, dedalka ay wadaan dawlada fedraalka ee Ethoipia iyo dawlad deegaanka Soomaalida Ethoipiana waan soo dhaweynaynaa waanan taageersanahay.

Sidaas iyo Nabad Waarta.

Jaaliyada degenYurub ee u dhashay Degmooyinka Aw-Barre iyo Dambal ee Deegaanka Soomaalida Ethoipia.
Comments are closed.
User avatar
EEGA9
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1906
Joined: Thu Jul 22, 2010 8:05 am

Re: Jaaliyadda Awbarre, Denbel iyo Bariga Shiniile applaud p

Post by EEGA9 »

Image
User avatar
RuralMan08
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4512
Joined: Thu Sep 10, 2009 8:45 am
Location: His Royal Majesty

Re: Jaaliyadda Awbarre, Denbel iyo Bariga Shiniile applaud p

Post by RuralMan08 »

:mrgreen:

I dont get it, I thought ONLF made peace.

Unless there is another onlf i dotn know about. Excuse my ignorance!
User avatar
EEGA9
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1906
Joined: Thu Jul 22, 2010 8:05 am

Re: Jaaliyadda Awbarre, Denbel iyo Bariga Shiniile applaud p

Post by EEGA9 »

Awbarre and denbel were on-fire a few weeks ago when did peace occur bal is waydii? you will know when ONLF signs a peace deal not a sham uu meles soo dhoodhoobay.
User avatar
RuralMan08
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4512
Joined: Thu Sep 10, 2009 8:45 am
Location: His Royal Majesty

Re: Jaaliyadda Awbarre, Denbel iyo Bariga Shiniile applaud p

Post by RuralMan08 »

EEGA9 wrote:Awbarre and denbel were on-fire a few weeks ago when did peace occur bal is waydii? you will know when ONLF signs a peace deal not a sham uu meles soo dhoodhoobay.
Anyhow we are always with our ONLF brothers :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Ogaden - General Discussions”