Somalia is realy fucked up I mean never have I seen fanatics blaming technology .ay xawaaladaha ka dambeeyeen oo lagu mabnuucay adeega ZAAD
--------------------------------------------------------------------------------
Published: 18 October 2010
Kn: Talaabadii ay Xarakada ALshabaab ku mabnuucdey adeega xawilaada taleefoonka gacanta ee ZAAD Service loo yaqaano ayaa warar kasoo baxaya waxa ay sheegayaan in xawilaadaha waaweyn ay falkaasi dabada ka riixeen.
Illo wareedyo ka mid ah shirkadaha isgaarsiinta ee adeegani fulinayay ee ay saameysay mabnuucista ayaa KismaayoNews u sheegey in shirkadaha xawilaada ee waaweyn ay qarash badan ku bixiyeen sidii Alshabaab ay ugu qancin lahaayeen in ay xirto adeegani.
Xawilaadaha ayaa la sheegey in ay diyaariyeen dokumeendi ceebo loogu yeelayo adeega, kadibna u gudbiyey Alshabaab iyagoo bixiyey lacago badan si Alshabaab ay u mabnuucdo adeegani xawilaada taleefoonka oo qalqal galiyey ganacsiga shirkadaha xawilaada, sidaasi waxaa boganu u sheeget sargaal sare oo ka tirsan mid ka mid ah shirkadaha isgaarsiinta ee laga joojiyey adeegani.
laakiin ma ahan sheegasho illaa iyo hadda la xaqiijin karo, waxaase hubanti ah in adeegani uu halis galiyey ganacsiga macaashka badan ee xawaaladaha.
Alshabaab wareegto ay soo saartey ayay ku mabnuucdey isticmaalka adeega ZAAD, qoraalka waxaa lagu sheegay in adeegani uu yahay mid shirkad Ameerikaan ah qandaraas lagula galay, isla markaasina uu yahay nidaam ganacsi oo laga soo minguuriyey reer Galbeedka, looguna talogalay in lagu wiiqo dhaqaalaha dadka Islaamka ah.
Sabab kale oo loo cuskaday mabnuucista adeegani ayaa ah in uu yaraaday isticmaalkii lacagta Shilin Soomaaliga ah ee xaanshida ah.
Adeega ZAAD waxaa dalka laga hergaliyey 2 sanno ka hor, waxaa hergalisey shirkada Telesom ee Somaliland, waxaa xigey shirkada Golis ee Puntland oo u bixisey Sahal adeegani, sanad ka horna waxaa dhaqan galisey shirkada Hormuud ee koonfurta.
Halkii mar ee lacag la diro qofka wuxuu diro karaa $700 oo doolar, laakiin maalintii waxaad taleefoonka ka diri kartaa $3 kun doolar oo ah tirada ugu badan ee lacag ee taleefoonka laga diri karo 24kii saac.
Hormuud oo kale oo macaamiisheedu gaarayaan hal malyan iyo xoogaa, kala bar macaamiisha ayaa isu diiwaangaliyey isticmaalka adeegani oo u eg adeega caanka ah ee Kenya laga isticmaalo ee loo yaqaano MPESA.
Muddo 3 bilood ah oo maanta ka bilaabanaysa ayaa loo qabtay shirkadaha isgaarsiinta in ay ku joojiyaan adeegani gabi ahaanba, wixii ka dambeeyana Alshabaab talaabo ayay ka qaadi doontaa cidii iska dhagotirta.
Dad badan ayaa la yaabay mabnuucista iyadoo dhamaan qodobada lasoo saaray ee loogu marmarsoodey aysan ahayn kuwa micno samaynaya
KismaayoNews.com
I mean Shabaab is trying to kill innovation at all costs rather than allowing free market trade.
Its like in the 16th Centruy imn Europe where scientists were being blamed for blasphemy .
ZAAD is actually trying to introduce a new Innovative means of sending money like the Kenyan Safaricom Mpesa.