Ciidama 300 gaaraya oo ka goostay Uruurka SSC sheegayna in aysan ka mid ahayn Uruurka
Ciidama gaaraya 300 oo asgari oo ka tirsanaa Uruurka SSC ayaa la sheegay in ay Uruurkaa iskaga baxeen sida uu Cadeeyay Yaasiin Xirse Faarax oo ahaa sargaal ciidamadaa ka tirsanaa oo waraysi siinayay warabaahinta Magalada Garowe .
Sargaalkaa ka tirsanaa Saraakiisha Uruurka SSC ayaa sheegay in ciidamadaa tira ahaan gaaraya 300 oo asgari ay Uruurkaa maanta iskaga baxeen kidib markii ay ******** in Uruurkaa uu ahay mid kala dhantaalaya Puntland waa sida uu hadalka u dhigay.
“ Aniga iyo ciidan gaaraya 300 ayaa ka baxay uruurka SSC, waxaana uga baxnay markii aan ogaanay xaqiida dhabta ah ee jirta, oo ah in Uruurkaa uusan ahayn mid in uu Gobaalo xureeya raba, balsa uu yaha hadafkiisa in Puntland uu kala dhantaalo” sidaa waxaa yiri Yaasiin Xirse Faarax.
Yaasin ayaa sheegay in aay iminka asaga iyo ciidan uu hugaaminayo ay ku sugan yihiin deegaanka Balacade ee degmada Widh Widh hoos yimaada, waxuuna sheegay in degmadaa Widh Widh oo gacanta uu ku hayo Maamulka Soomaliland ay ka saari doonaan .
Degmada Widh Widh ayaa muda dhoor maalmood laga joogo waxaa xoog ku qabsaday Maamulka Soomaliland Ciidama ka amar qaata waxuuna sargaalkaa arintaa ku eedeeyay in ay ka danbeeyay Uruurka SSC sida uu hadalka u yiri .
Uruurka SSC ayaa muda sanad ku dhawaad ah dhisan waxaana ururkaa lagu dhisay Magaalada Narobi ee Dalka Kenya hasayeeshee dhoor jeer oo hore ayay dhacday in khilaaf nuucaan ah soo kala dhaxgalo beelaha ku midasan Uruurka .
ssc soldiers defect to Bintiland
Moderator: Moderators
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
ssc soldiers defect to Bintiland
Last edited by The_Emperior5 on Mon Oct 25, 2010 9:53 am, edited 1 time in total.
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: ssc soldiers defect to puntland
is this news accurate or is it bintiland propoganda
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 11 Replies
- 721 Views
-
Last post by XimanJaale
-
- 7 Replies
- 686 Views
-
Last post by original dervish
-
- 32 Replies
- 3285 Views
-
Last post by AwRastaale
-
- 47 Replies
- 2566 Views
-
Last post by abdalla11
-
- 0 Replies
- 456 Views
-
Last post by Ghazi
-
- 17 Replies
- 1820 Views
-
Last post by abdalla11
-
- 10 Replies
- 1280 Views
-
Last post by ZubeirAwal
-
- 11 Replies
- 795 Views
-
Last post by SheikhExecutive