Somaliland Health minister arrives in Ceerigaabo

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Somaliland Health minister arrives in Ceerigaabo

Post by Siciid85 »

Wafti Uu Hogaaminayay Wasiirka Caafimaad S-land Oo Maanta Gaadhay Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag


Ceerigaabo (OWN)- Waxa maanta soo gaadhay magaalo madaxda gobolka sanaag ee ceerigaabo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo wasiirka wasaarada caafimaadka oo ay socdaalkiisa ku wehelinayaan wasiirku xigeenka caafimaadka Nicmco Qawdhan iyo wasiirka wasaarada shaqada iyo arumaha bulshada Ilhaan Maxamuud Jaamac waxaan ay wuftidu ugu horay kormeer ku soo mareen xarunta hay’ada bisha cas oo ay kula kulmeen masuuiyiinta hay’adaa waxaana ay ka dhegaysteen warbixin gudoomiyaha hay’ada bisha cas oo ka xogwaramay xaalada caafimaad ee gobolka intaa kadib waftitu waxaa ay sidoo kale kormeer shaqo ku soo mareen cisbataalka guud ee oo ay booq dee qaybaha kala duwan ee cusbataalku uu ka kooban yahay.

Image


Waxaana ay intaa kadib kulan la qaateen shaqaalaha iyo hawlwadeenada kala duwan ee cisbitaalaka iyadoo ugu horayn madashaa hadal kooban ka soo jeediyey isuduwaha wasaarada caafimaadka gobolka sanaag oo ka waramay xaalada guud cisbataalka isaga oo xusay ina ay qaybaha qaliinka haweenka iyo dhalaanka ay gacanta ku hayso hay’ada MSF waxaana uu sidoo kale ka warbixiyey xaalada guud ee caafimaad ee gobolka,

Waxaa isna madashaa ka hadlay gaasimaha cisbataalaka magaalada cerigaabo waxaana uu ka warbixiyey sida uu ushaqeeyo cisbataalku waxaana waftitida ugu mahad naqay booqashadooda.

Waxaa isna halkaa kahadlay masuulka MSF ee gobolka sanaag oo sheegay inay yihiin hay’ad gar gaar oo ka shaqaysa dhinaca caafimaadka diyaarna u ah inay la shaqeeynaan cisbataalkana.

Duqa degmada cerigaabo Ismaaciil X Nuur faarax oo isna madashaa ka hadlay ayaa dhankiisa siweyn u soo dhaweeyey waftida waxaana uu xusay inay ka dawlad hoose ahaan cusbataalka ugu deeqaan dhinaca biyaha



Image


Gudoomiyaha gobolka sanaag mudane cali cabdi hurre ayaa ugu danbayn u mahad naqay waftidan, Waxaana uu hadalaka ku soo dhaweeyey wasiirka wasaarada caafimaadka

Dr:Xuseen xoog waxaana uu ka waramay ujeedada socdaalkooda uu ku sifeeyey inay tahay xaqiiqoraadis ku wajahan xaalada gobolka sanaag waxaana uu sidoo kale tilmaamay inay xukuumada madaxweyne axmed siilaanyo ay fulinayso balna qaad yadeedii.

Waana tan iyo markii ugu hoaraysay ee ay gobolka sanaag soo gaadhaan wafti ka socota xukuumada cusub ee soomaliland tan iyo intaa ladoor tay


Image



c/naasir khaalid siciid

Ceerigabo
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Somaliland Health minister arrives in Ceerigaabo

Post by The_Emperior5 »

so dhawoow wasiir :up:
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Somaliland Health minister arrives in Ceerigaabo

Post by Siciid85 »

He got a good welcome from the Mayor and the people of Ceerigaabo. :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”