M.Warancade Oo M.weynaha Djbti Ugu Deeqay Libaax Afar Jir ah

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

M.Warancade Oo M.weynaha Djbti Ugu Deeqay Libaax Afar Jir ah

Post by Siciid85 »

Wasiirkii Hore ee Duulista Hawada Mudane Warancade Oo Madaxweyaha DJibouti Ugu Deeqay Libaax Afar jir ah
(Hadhwanaagnews) Friday, November 05, 2010
Hargeysa (HWN)- Wasiirkii hore ee Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka ee xukuumadii hore Somaliland Md. Cali Maxamed Waran Cadde, ayaa maanta ku dhawaaqay inuu libaax afar jir ah ugu deeqay Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle, oo uu
sheegay inuu Weftigii madaxweyne Siilaanyo u soo dhaweeyay si heer Qaran ah.

Image

Md. Warancadde, oo galabta Beertiisa Xayawaanka ee magaalada Hargeysa oo ay ku jiraan 7 Libaax ku qabtay shir jaraa’id ayaa Madaxweynaha Jabuuti iyo xukuumaddiisa ku aammanay sidii ay u soo dhaweeyeen
madaxweynaha Somaliland oo socdaal shaqo ku jooga dalka Jabuuti oo uu marti qaad rasmi ah ka helay.

Image


Wasiirkii hore oo ka hadlayay arrintaasi wuxuu yidhi “Maanta waxaan
jecelahay inaan uga faa’iidaysto kulankan waxaynu ognahay in dalkan
Somaliland ee aynu halganka dheer u soo galay, haddii ay tahay kii
xabadda iyo haddii ay tahay nabadeynta iyo go’aan qaadashada iyo
samirka badan aynu u soo marnay qaranimada Somaliland. Hadafkeena ugu
weynaa oo ahaa Ictiraafka wuu dhow yahay. Waxa yididiilo badan I
gelisay arrintii shalay ka dhacday Jabuuti oo Madaxweynaha Jabuuti iyo
dawlada dalkaasi ay Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisii ay si heer
sare ah oo turjumaad qiimo weyn leh oo dadka reer Somaliland
quluubtooda ku beeraysa aanu ka aragnay waxaanan anigu soo
dhawayntaasi ku qiimeynay ictiraaf uu Somaliland ictiraafay
Madaxweynaha aynu walaalaha nahay ee Jabuuti, waana arrin aynu muddo
dheer ka sugaynay inuu noqdo dalka ugu horeeya ee ictiraafa. Soo
dhawayntii reer Jabuuti waxay daah furtay qiimihii Inaga iyo reer
jabuuti inaga dhexeeyay. Khudbadii Ismaaciil Cumar Geelle waxa ka mid
ahayd wixii aanu idinla qaban karnaba waanu idinla qabanaynaa. Anagana
(Somaliland) ma madhnin waxaanu nahay quruun isku tashatay oo
qiimaheedu aad u sareeyo. Aniga laftaydu waxaan galabta ugu deeqayaa
Madaxweynaha qiimaha intaas leeg inoo sameeyay ee madaxweynaheenii
kaga horyimid madaarka sidii madaxweyneyaasha caalamka. Arrintaasi oo
taariikh cusub caalamka u furaysa. Aniguna Madaxweynaha Jabuuti waxaan
halkan kaga dhawaaqayaa inaan ugu deeqay Hadyad qaali ah oo ah Libaax
afar jir ah.”



Md. Waran Cadde waxa uu u soo jeediyay inuu ku sii dhiirado wanaaga
iyo waxwada qabsiga Somaliland.

Sidoo kale waxa uu Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya ugu baaqay inay
aqbalaan madaxbanaanida iyo aqoonsiga Somaliland, oo uu ku tilmaamay
inay dantoodu ku jirto.


Weriye Cumar Maxamed Faarax
Hadhwanaag News/Hargeysa

Dhaga Bacayl
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8363
Joined: Tue Dec 23, 2003 7:00 pm
Location: H-Town in Somaliland

Re: M.Warancade Oo M.weynaha Djbti Ugu Deeqay Libaax Afar Ji

Post by Dhaga Bacayl »

Gob gobi dhashay weeyaan Warancade walaahi. Quruxdii lagu so dhaweeyay ninkii ay shalay siyaasada isku hayeen ayuu kalgacal iyo muxubo uu u qabo dalkiisa is hayn kari waayay Wadani wadani dhalay. :up:

Geesiga guusha waa loo qiraa. Siilaanyo made history. He brought Geele out of his house. Who is next? Meles may be?

Cawil iyo qaar kaoo badani waxay wali u qaadan laayaihiin in aanay cidi kala dhagaysan oo waxay ku mashquuleen sidii ay dadka dab iyo balaayo uga dhex dhalin lahaayeen. :down:

BTW, Libaax afar jirka aha malaha waaki baryahaaaba ciida galaha Toon degen ka yaabiyo wuu inaga mastaafurinayaa? :lol: I think Geele is in trouble!
Cumar-Labasuul
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11028
Joined: Thu Jan 22, 2009 6:21 pm

Re: M.Warancade Oo M.weynaha Djbti Ugu Deeqay Libaax Afar Ji

Post by Cumar-Labasuul »

Warancade waa rageedii :up:
I have been to his zoo and seen his 'pets' :lol:
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: M.Warancade Oo M.weynaha Djbti Ugu Deeqay Libaax Afar Ji

Post by Siciid85 »

:up:
User avatar
Keyse_0208
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9898
Joined: Thu Apr 10, 2008 11:42 am
Location: L D N
Contact:

Re: M.Warancade Oo M.weynaha Djbti Ugu Deeqay Libaax Afar Ji

Post by Keyse_0208 »

Image

Thats what i call a Hadiyad :up: :up: :up: , by the way how much would say a small lion cub is worth.??
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: M.Warancade Oo M.weynaha Djbti Ugu Deeqay Libaax Afar Ji

Post by Siciid85 »

Around $1,500 - $3,000 dollars for a young cub. However if it's a Garhajis young cub straight out of Gacanlibaax it's worth $4,000. :lol: kaftan.
Last edited by Siciid85 on Fri Nov 05, 2010 6:18 pm, edited 2 times in total.
User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 32728
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Re: M.Warancade Oo M.weynaha Djbti Ugu Deeqay Libaax Afar Ji

Post by Khalid Ali »

Ina Warancade is the best former udub Minister :up:

and a great wadani :up:
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: M.Warancade Oo M.weynaha Djbti Ugu Deeqay Libaax Afar Ji

Post by Siciid85 »

khalid ali wrote:Ina Warancade is the best former udub Minister :up:

and a great wadani :up:

Walle been mada sheegiin. :up: Warancadde for the leadershiup of UDUB ninku wa the real deal.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”