
Golaha Fulinta Qurbajoogta jubooyinka ayaa kulankoodii arbacada khadka telefanka kula kulmay gudoomiyaha jaaliyada jubbaland ee south afrika mudane cabdi khaaliq, kulanka ayaa yimid kadib dadaalo badan oo golaha qurbajoogta jubooyinku ka wado daafaha aduunka kaas oo lagu doonayo in lagu mideeyo inta damiirka wadaninimo leh ee rabta in shacabka jubooyinka nabadgelyadii iyo kala dambeyntii lagu soo celiyo.
Kulankan intii uuna suura galin ayay xubno sare oo golaha qurbajoogta jubooyinka xidhiidh la sameeyeen mudane cabdi khaaliq xubnahaas oo ahaa;
-Gudoomiya Golaha Cabdi Axmed Guuled
-Madaxa Golaha ee Jarmalka Kaad Cabdi Cumar.
Xidhiidh iyo wadatashiyo badan ayaa dhalay kulankan ay kulmeen golaha fulinta qurbajoogta jubooyinka iyo gudoomiyaha jaaliyada jubbaland ee south afrika.
Kulanka ayaa waxaa gudoomiyaha jaaliyada south afrika iyo golaha fulinta ee qurbajoogta jubooyinku is dhaafsadeen hadafyada labada dhinac wax yaabihii loo aas aasay & waxyaabihii u soo qabsoomay iyo waxa ama siyaasada u dagsan ee ay raacayaan, sharaxaado iyo qeexitaan kadib waxaa soo baxday in dhamaan golaha iyo jaaliyada south afrika isku ujeedo yihiin , hal hadaf oo siyaasadeedna ay wada aaminsan yihiin sidaa darteed ay muhiim tahay in si iskumid ah loo wada shaqeeyo.
Golaha fulinta ee qurbajoogta jubooyinka iyo gudoomiyaha jaaliyada jubbaland ee south afrika waxay isku raaceen shirkale in ay ku kulmaan, si gudoomiyaha jaaliyada jubbaland ee south afrika dib ugula noqdo xubnihii jaaliyada south afrika wuxuu shirka kala kulmay , xubnaha golaha fulintana wakhti ugu helaan ay si fiican uga baaraan dagaan xidhiidhka wadashaqeyneed ee jaaliyada jubbaland ee south afrika iyo gqj dhex mari kara.
Kismaayood.com