Udub party in a state of confusion says Mujahiid cali guray

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Udub party in a state of confusion says Mujahiid cali guray

Post by The_Emperior5 »

Afhayeenka Udub Oo Shaaca Ka Qaaday In Xisbigoodu Uu Galay Xaalad Jahawareer Ah Ilaa Intii Doorashada Lagaga Guulaystey
posted by: Webmaster

Afhayeenka Xisbiga mucaaridka ah ee UDUB Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa markii ugu horaysay shaaca ka qaaday in xisbigoodii markii lagaga guulaystey doorashooyinkii dalka ka dhacay 26-kii June sanadkan uu galay xaalad jahawareer ah.

Waxaanu sheegay in dhawaan ay qabsan doonaan shirwayne aan caadi ahayn oo ay kaga arinsan doonaan talada xisbiga ee mustaqbalka dhaw, isla markaan uu aad ugu rajo wayn yahay in hogaanka xisbiga ay qaban doonaan siyaasiyiin cusub oo aan ka mid ahayn masuuliyiintii sar sare ee xisbigaas ee wakhtiga badan hogaaminayey xisbiga UDUB.

Afhayeenka xisbiga UDUB Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) waxa uu sidaas ku sheegay mar uu shalay galab waraysi khaas ah siiyey Haatuf, isaga oo ku sugan caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Cali Guray waxa kale oo uu ka hadlay Cismaan Jaamac (Cismaan Kaluun) oo ah masuul sare oo inbadan ka mid ahaa dawladihii iska danbeeyey ee beesha caalamku u samaynaysay Somalia, isla markaana ka gaadhay ilaa jagada Ra’isal wasaare ku xigeen, waxaanu sheegay in uu Cismaan Kaluun yahay muwaadin reer Somaliland ah oo xaq u leh in uu yimaado dalka isaga iyo siyaasiyiinta kale ee ka midka ah xukuumada Somalia ee u dhashay Somaliland, waxaanu ku dooday in Cismaan Kaluun danbiilo noqon karo oo kaliya marka maxkamad sharci ahi ay danbi ku xukunto.

Afhayeenka Udub Cali Guray waxa uu soo dhaweeyey siyaasada hada ee Somaliland iyo Djibouti, waxaanu taageeray safarkii uu madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo dhawaan ku tagay dalka Djibouti oo uu sheegay in uu ahaa talaabo Somaliland u qaaday xaga saxda ah, waxaanu u mahadnaqay madaxwaynaha Jamhuriyada Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle.

Ugu horayn Cali Guray isaga oo ka hadlaya kala daadsanaan uu sheegay in xisbiga UDUB ay ka muuqato tan iyo markii lagaga guulaystey doorashadii dalka ka dhacay, waxa uu yidhi “Markii hore xisbigu wuxu ahaa xisbul xaakim, markii ay xukuumadii meesha ka baxday wuxuu galay xaalad jahawareer ah, waxaanu noqday mid gabi ahaanba isku dhex daato, laakiin mudooyinkii ugu danbeeyey waxaanu ku jirnay sidii aanu arimaha xisbiga ka khaldan wax uga badali lahayd, una sixi lahayn. Waxaanan Insha Allah rajaynaynaa mustaqbalka dhaw in aanu siyaasadii xisbiga waxwayn ka badalno, oo la helo UDUB cusub (New Udub), shacbiguna siiyaan kalsoonidii hore”.

S: Maxaa ka jira khilaafka la sheegay in uu ka dhexjiro wasiiradii xukuumadii hore iyo siyaasiyiinta kale ee xisbiga Udub oo la sheegay in ay isku khilaafsan yihiin hogaaminta xisbiga?

J: Khilaafkaasi runtii hada wax wayn uma muuqdo, imika aragtida waa laga midoobay, markii hore waxaad moodaysay in qoladii wasiirada ahayd iyo madaxwayne ku xigeenku in ay talada xisbiga maroorsanayaan, oo la ilaaway xildhibaanadii iyo siyaasiyiintii iyo aqoonyahankii kale ee xisbiga ka tirsanayd. Arintaa hada waanu ka midaysanahay waanuna saxnay, dhamaan bahda Udub waxay imika ka midaysan yihiin in la qabto shirwayne aan caadi ahayn oo dhawaan la iskugu yimaado, oo dib loogu qaabeeyo xisbiga, waxaanu hada isku wada afgaranay oo la isla qaatey in hogaan cusub xisbigu u baahan yahay.

S: Ma la qabtaa dadka qaba fikirka ah in ay ilaa hada ay Udub wax wayni ka khaldan yihiin, maadaama oo ay wali hogaanka xisbiga haystaan masuuliyiintii laga guulaystey ee shacbigooda codka ka waayey?

J: Haa waan la qabaa, waa halka aanu ku socono, way wanaagsan tahay in xisbigu hogaan cusub yeesho, kolay waxwayn ayaa ka khaldamaya hadii aanu xisbiga Udub yeelan hogaan cusub, oo dadka Image fiican tusa (sawir fiican), waana in xataa distuurkiisii dib loogu noqdo, sababta oo ah waxa uu u qaabaysnaa shirwaynihii xisbigu qaab aan laga wada raali ahayn, dhibaatooyinka xisbiga haysta waxa xataa ka mid ah gole dhex malaha. Markaa waxaan qabaa in xisbiga dib loo qaabeeyo oo uu yeesho hogaan cusub, oo gole dhexe uu yeesho. Wasiirada iyo masuuliyiinta xisbiguna u malayn maayo in ay taas wax dhib ah u arkaan.

S: Waxa magaalada Hargeysa jooga oo ku sugan Cismaan Jaamac Cali (Cismaan Kaluun), oo ah siyaasi In badan ka mid ahaa dawladihii iska danbeeyey ee Somalia, sideed u aragtaa imaatinkiisaas?

J: Anigu waxaan aaminsahay oo aan qabaa in qaynuunka xukunku uu noqdo, ee aynaan dad jeclaysi iyo qof jeclaysi aynaan isku xukumin, Cismaan Jaamac (Cismaan Kaluun) waa muwaadin u dhashay Somaliland marka hore, waxa uu danbiile noqon karaa marka maxkamad sharci ahi ay danbi ku xukunto, inta aan la gaadhin halkaas waxaan aaminsahay in ay xaq u leeyihiin oo ay iman karaan isaga iyo kuwa kaleba. Hadii ay danbi galeen oo xeer ciqaabeen ka yaalo danbigoodana maxkamad ayey xaq u leeyihiin, laakiin ma soo gali karo wax macquul ah uma arko.

S: Sideed u aragtaa warbixinta xukuumadu soo bandhigtey ee waxqabadkoodii 100 maalmood, ma is leedahay xukuumadu way ka run sheegtey waxqabadkaas?

J: Anagu Udub ahaan wax ahmiyada ah maanaan siinin boqolkan maalmood, iskumanaanaan taxalujin arimahaas, waxaanu ka simanahay in xukuumada la siiyo wakhti. Waxani waxay noqonayaan uun in aynu ku dayanayno maraykanka oo kale, oo ah wadanka aduunyada ugu dhaqaalaha badan, hadii wadankaas dhaqaalaha intaas leeg haystaa uu 100 maalmood wax intaa leeg ku qabsan kari waayey, waxa khalad ah oo wax lala yaabo ah in wadan ka mid ah kuwa aduunka ugu dhaqaalaha yar in ay boqol maalmood qabsadaan, hadii laga tagi waayey xaga waxqabadka way jiraan talaabooyin loo qaaday dhinaca saxda ah, laakiin sida runta ah waxqabad lagu faani karo kumay qaban.

S: Sideed u aragtaan Udub ahaan iyo shaqsi ahaanba safarkii uu dhawaan madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ku tagay dalka aynu jaarka nahay ee Jamhuriyada Djibouti iyo sidii loo soo dhaweeyeyba?

J: Runtii aad ayaanu ugu farxay sidii loo soo dhaweeyey, waxa hubaal ah in xidhiidhkii labada dal uu majaro fiican qaatey, xidhiidhka Somaliland iyo Djibouti waxa uu marayaa maanta is aaminkii iyo darajadii ugu sareysay ee 20-kii sanadood ee ugu danbeeyey uu gaadho, waxaanan aad ugu mahadnaqayaa madaxwaynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle.

S: Maadaama oo sidii shacbigu la yaabeen madaxwaynah Somaliland Siilaanyo loogu soo dhaweeyey Djibouti, ma la odhan karaa dawladii hore iyo madaxwaynihii hore Rayaale iyo madaxwaynaha hada Axmed Siilaanyo way ku kala dubaalad dheeryihiin siyaasada arimaha dibada iyo ictiraaf raadinta Somaliland?

J: Waxa run ah in madaxwayne Axmed Siilaanyo uu yahay nin wayn oo siyaasada ku soo dhexjiray mudo dheer, isla markaana uu uga aqoon badan yahay caalamka madaxwaynihii hore Rayaale, madaxwayne Siilaanyo waa nin mandaqada aad looga ixtiraamo, oo haybad sare leh.

S: Waxa la sheegaa in Madaxwayne Axmed Siilaanyo in uu kuu yeedhay oo aad kulano yeelateen, arintaas ma jirtaa?

J: Way jirtaa oo madaxwayne Siilaanyo saaxiib isku dhaw ayaanu ahayn wakhtigii aan ka tirsanaa xisbiga Kulmiye iyo imikaba, intii uu madaxwaynaha noqday laba jeer ayaan la kulmay, si gaar ahna ulama aan kulmin. Haatuf
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: Udub party in a state of confusion says Mujahiid cali gu

Post by LiQaaye_TDH »

UDUB's New Leader---- Cismaan Kaluun :clap: :clap: :clap:
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Udub party in a state of confusion says Mujahiid cali gu

Post by The_Emperior5 »

dont say that, i dont want dirt woqoyis in udub, ina warancade inshallah willl be the new leader of udub :up:
User avatar
hargaysaay
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8453
Joined: Sun Jan 17, 2010 7:32 am
Location: Best part about getting high having sex with you is geting high having sex with you part.

Re: Udub party in a state of confusion says Mujahiid cali gu

Post by hargaysaay »

cismaan kaluun being udub leader :D come on man you are degrading the man
User avatar
kaliil
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5400
Joined: Thu Oct 30, 2003 7:00 pm
Location: Nin ku yidhi sinaanmayno adna diid sarayntiisa

Re: Udub party in a state of confusion says Mujahiid cali gu

Post by kaliil »

LiQaaye_TDH wrote:UDUB's New Leader---- Cismaan Kaluun :clap: :clap: :clap:

SPG soo gal....suaal ninkan ku saabsan ayuu shalay emperor kuu soo qoray oo jawaabteeda ayuu ilaa xalay kaa sugayay.
Ilaa xalay wuu ku baafinayay oo afhayeenkii dawlada mee ayuu lahaa :lol:
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Udub party in a state of confusion says Mujahiid cali gu

Post by The_Emperior5 »

kaliil wrote:
LiQaaye_TDH wrote:UDUB's New Leader---- Cismaan Kaluun :clap: :clap: :clap:

SPG soo gal....suaal ninkan ku saabsan ayuu shalay emperor kuu soo qoray oo jawaabteeda ayuu ilaa xalay kaa sugayay.
Ilaa xalay wuu ku baafinayay oo afhayeenkii dawlada mee ayuu lahaa :lol:
:lol: :lol: ha waa run liqaaye should come to the spg as soon as possible :lol:
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: Udub party in a state of confusion says Mujahiid cali gu

Post by LiQaaye_TDH »

Walle Sorry Guys wallahi ma Arkin... Hadaan ayaan ii soo xaadirin 8-)
User avatar
KyrieJama
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3930
Joined: Tue Aug 24, 2010 8:21 pm
Location: Somalia

Re: Udub party in a state of confusion says Mujahiid cali gu

Post by KyrieJama »

Cali Guray is the one in a state of confusion :lol: Odayga beryahan dambe wuu soo yara walaanaya la fahmi mayo.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”