Suldaan Siciid Hogaamiye Nabadeed oo Dal iyo Dad Jecel.

The region of Maakhir coast and its environs. Maakhir forum discusses current events, economic development and Somali Unity.

Moderator: Junior Moderators

crshango
Posts: 97
Joined: Wed Nov 10, 2010 9:31 pm

Suldaan Siciid Hogaamiye Nabadeed oo Dal iyo Dad Jecel.

Post by crshango »

Suldaan Siciid Hogaamiye Nabadeed oo Dal iyo Dad Jecel.
November 12, 2010
By Axmed Muuse Dheere
Suldaan Siciid Suldaan C/salaam Suldaan Mohamuud waa Suldaanka Guud ee Beesha Mohamuud Harti waxaana uu Suldaanku ka midyahay Isimada ugu magaca iyo maamuuska dheer isimada Somaliyeed ee sama kataliska ah.


Waxa uu Suldaan Siciid ka soo jeeda Saldanada ugu faca weyn Somalia isagoo ka soo jeeda Qoys Magac iyo Maamuus ku dhexleh Umada Reer Sanaag iyo Guud ahaan Tan Somaliyeedba. Alla ha u Naxariistee Aabihii Suldaan C/salaam waxa uu ahaa Hogaamiye lagu Bartay Sama katalisnimo iyo isu keenida Umada Somaliyeed taasoo uu Suldaan Siciid Halkii ka sii waday ka dib Geeridii aabihii.

Suldaan Siciid waa 40 ilaa 50 jir Lagu Bartay Toosnaan Cadaalad Sama katalin, waxaana lagu Xasuustaa Suldaanka Bilada Dhanka Nabada iyo dibu heshiisiinta Somalida dhexdeeda uu ka qaatay waxaana ka xusanaa Heshiis-yada iyo Nabadaynta uu dhexdhigay Ummada Somaliyeed dhawr Arimood.

Heshiiskii C/laahi Yuusuf iyo Cadde Muuse.Waxay ahayd guul lataaban karo oo uu soo hooyey Suldaan Siciid heshiiskii taariikhiga ahaa ee uu dhexdhigay C/laahi Yuusuf oo ahaa xiligaasi Madaxweynaha Puntland iyo Cadde Muuse oo Hogaaminayey Jabhadii GBB ka dib dhibaata badan oo dhiig ku daatay ayaa Suldaan Siciid oo Kaashanaya Isima kale oo Somaliyeed Guntiga u xidhay Sidii uu Colaadaa iyo dhibkaa usoo Afmeeri-lahaa, ka dib dadaal badan oo Suldaanku Sameeyeyna uu ilaahay ku guulayey Taariikhdana ay Baal Dahaba uga gashay Suldaanka.


Nabadayntii Beelaha Dhahar iyo Qardho. Waxay ahayd Dhacda kale oo Suldaanku Guul lataabtaan ah ka soo Hooyey ka dib Gogol Nabadeed oo la dhigay Magaalada dhahar ee Xarunta Gobolka Haylaan taas oo lagu soo afjarayey Dhibaatadii ka dhex dhacday Labada beelood ee walaalaaha ah ee dhahar iyo Qardho taasoo Suldaanku ku soo afmeeray hanaan nabad iyo isfahan dhexmaray labada beelood ee walaalaha ah waxaana uu suldaanku Arintaana ka soo hooyey guul iyo nabad ay manta kuwada noolyihiin labada beelood.

Nabadayntii Soolka. Iyaduna waxay ahayd Dhibaata kale oo ka dhex dhacday beela walaala ah ee deegaanada Sool-ka halkaas oo Suldaanku isaga iyo wefdi Markaasi la socday ay socdaal ku tageen Deegaanadii dhibaatadu ka dhacday Halkaasna Labadii beelood Gacmaha isugu soo saaray, dhibaatadii ka dhexdhacdayna wadahadal iyo is afgarad uu Suldaanku ku soo dhameeyey, waxayna ka mid tahay Guulaha nabadeed ee Suldaanku sidoo kale intuu weysadiisa u dhaansaday uu isu guula ku soo afjaray.


Shirweynihii Magaalada Badhan. Shirweynihii Gogoshiisa uu dhigay Suldaan Siciid Suldaan C/salaam ee lagu qabtay Magaalada Badhan 31 May 2005, waxa uu ahaa Shirweyne Lagu gorfaynayey Xaalada Gobolka iyo Masiirka Beesha taasoo ay ugu Horaysay Dhanka Nabad gelyada ka dib Duulaankii qaawanaa ee lagu soo qaaday Deegaanka Beeshu degto, waxaana Shirweynahaasi ka soo qaybgalay dhamaan Madax-dhaqameedyada Gobolka, Aqoonyahanka iyo weliba Qurba Joogta oo si weyn loogu casumay shirkaasi, waxaana gebagebadii shirkaasi laga soo saaray Barnaamijya Hormarineed oo dhankasta leh kuwaas oo ay ugu muhiimsanaayeen dhinacyada Amaanka, Deegaanka, Waxbarashada, Caafimaadka.

Shirkaasi ayaa waxa uu ahaa Fursad Muhiima oo Suldaanku u horseeday bulshada Deegaanka in Hore loo Talaabsado.


Dhagax-dhigii Jaamacada: Jamaacada Maakhir University ee dhawaan Qorsheheeda laga hirgeliyey Magaalada Badhan , ayaa Suldaan Siciid waxa uu ku lahaa gacan weyn sidii loo hirgelin lahaa, bulshada aqoonteedana kor loogu qaadi lahaa, isagoo ka sokow Wacgelinta Qurbajoogta iyo bulshada kaleba Marka laga yimaado ahaa Masuulkii Dhagax dhigay Dhismaha Jaamacada Qurba Joogta iyo aqoonyahankana ku dhiirigeliyey in loo istaago taabagelinta Jaamacada si Da’yarta loo siiyo Fursad ay aqoontooda ku kororsadaan.

Kuma Soo koobi karo hal qoraal iyo ka badan toona waxqabadka taaba gal-ka ah ee Suldaanku u horseeday Bulshada mid gaar ahaaneed iyo mid Guudba ee waxay iga ahayd inaan Hoga tusaaleeyo in Suldaanku Markasta hormuud ka yahay in uu Bulshada uu u horseedo nabada midnimada iyo hoga tusaalaynta Bulshada.

Waxaan Rabaa inaan Halkan Suldaanka Raali Gelin Buuxda uga Diro war ku soo Baxay Bogan Galgalanews kaas oo ku aadanaa in Suldaanka oo hada ku sugan Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya kuna sii jeeda Magalaada London uu halkaasi kaga qaybgeli doono shir looga hadlayo aqoonsiga Somaliland, warkaas oo si khalada ugu soo Baxay Page-ka.

Suldaanka ayaa waxa uu Magaalada Nairobi ka anba bixidoonaa 27-ka bishan, isagoo kuwajahan Cariga Ingiriiska Halkaas oo uu kaga qaybgelayo Shirweyne 3 maalmood soconayo oo looga Hadlayo Nabada loona Qabanayo 18-ka Gobol ee Somalia.

Waxayna Casumaada Suldaanka ee Shirkan ay tusaysaa sida Suldaanku Markasta ugu heelanyahay taaba gelinta iyo dhiirigelinta Nabada iyo midnimada Ummada Somaliyeed, waxa kale oo safarkani Fursad u yahay Qurba Joogta Gobolka oo Suldaanku warbixin buuxda ka siinayo Xaalada uu Gobolku ku jiro iyo Barnaamijyada Hormarineed ee u baahan in la dhaqaajiyo oo ay ugu horayso Jaamacada Maakhir University.

Masuuliyiinta Page-ka Galgalanews waxay Mar kale Raali Gelin Buuxda ka bixinaysaa warkii ku soo baxay ee ku aadanaa Socdaalka Suldaanka, waxaanuna Suldaanka u haynaa Xushmad iyo Karaamo taasoo uu naga Mudanyahay.

Galgalanews Editorial.

Galgalanews@gmail.com

Nala soo xidhiidh.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Maakhir”