Barnaamij Taxane ah oo Loogu Magac Daray Dibu Sixida Magaca

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
muftaax
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 626
Joined: Fri Nov 26, 2010 9:02 pm
Location: Throwing Dabaycos into the Red Sea- Bosaaso Maakhir

Barnaamij Taxane ah oo Loogu Magac Daray Dibu Sixida Magaca

Post by muftaax »

Barnaamij Taxane ah oo Loogu Magac Daray Dibu Sixida Magaca Sanaag Bari.


Inta badan Warbaahinta Soomaalida gaar ahaan qeybta Somali diidka ee la baxay Somaliland waxay Deegaanka Maakhir ugu yeedhaan Sanaag bari taas oo ay ka dambeyso Siyaasad ay ka leeyihiin Mustaqbalka dhow,hadaba waxaan dib u milic sanaynaa sababta keentay in qeyb kamid ah Gobolka Sanaag la yiraahdo Sanaag Bari.

Warbaahinta Caalamiga ee LaasqorayNet oo inta badan u soo bandhigta Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Reer Maakhir arimaha xaasaasiga ayaa waxay markan dib u milic sanaynaa Magaca hir galay ee Sanaag Bari u jeedada dhabta ah ee ka dambeysaya iyo cida bixisay.

Waxaanu ugu horeyn aad uga xunahay in aysan dadka deegaanku ku baraarugsanayn saameynta ay ku leeyan karto Deegaankooda Magaca Saanag Bari oo ka turjumaya in ay ka dagaan Gobolka Balaadhan ee Sanaag qeyb yar oo gibina

Gobolka Sanaag Wuxuu kamid yahay 18-kii Gobol ee Soomaaliya waana Gobolka Labaad ee ugu weyn Somaaliya marka laga yimaado Gobolka Bari wuxuuna dhacaa Waqooyi Bari Soomaaliya, Gobolka waxaa intaas u dheer Saraca ama dhul beereedka waana gobol ku fiican dhinaca beeraha,guud ahaan gobolka Sanaag waa mid ka duwan Gobolada Soomaaliya wuxuuna leeyahay Cimilo fiican uu badan qabow.

Gobolka Sanaag Wuxuu ka kooban yahay Shan Degmo Waxayna kala yihiin Ceerigaabo, Laasqoray,Dhahar, Badhan iyo Ceel Afweyn marka laga yimaado Degmada Ceel Afweyn oo ay dagaan Beesha Habar Jeclo ee Isaaq iyo Degmada Ceerigaabo oo ay wada dagaan Afar Beelood Waxaa inta kale Dega Beesha Warsangali ee Beelweynta Harti Waxaana lagu qiyaasa in ay 70% ay degaan gobolka Sanaag taasina waxay ka turjumaysa in ay gobolka yagu leeyihiin.

Tanyo markii ay burburtay Dowladii dhexe ee Soomaaliya waxaa ka bilowday dalka Maamul Goboleedyo huwan Magac qabiil kuwaas oo loo sameystay in lagu dulmayo qabiilo kale islamarkaana deegaankooda laga marin habaabiy yadoo loo adeegsanayo Siyaasad maldahan.

Maamulka Somaliland wuxuu kamid yahay Maamul Goboleedyada Beelaha gaarka ahi sameysteen kadib burburkii Soomaaliya waxay sheegtaan in ay ka go’een Jamuuriyada Soomaaliya waana beel sida ay aamin san yihiin inta badan soomaalidu.

Maamulka Somaliland Waxaa la odhan karaa mid kamida ahdaaftii ama u jeedooyinkii loo aas aasay wuu ku guulaystay Waxaana kamid aha in uu Gobolka Sanaag kala qeybiyo oo yiraahdo Sanaag bari taasina waxaynu odhan karaa waa u hir gashay.

Madaxweynihii hore ee Maamulka Somali diidka ee Somaliland Maxamed Ibraahim Xaaji Cigaal ayaa wuxuu ahaa Hindisihiisu in uu gacanta u galiyo dhamaan gobolka Sanaag Beelaha ay isku heybta yihiin ee dega Gobolka Sanaag kuwaas oo ku leh deegaan aad u yar wuxuuna u magacaabay Gudoomiyaha iyo Duqa Wuxuuna u kala magacaabay Habaryoonis iyo Habar Jeclo wuxuu markaas daaqada ka saaray Beesha Warsangali oo Xoog badan ku leh deegaanka islamarkaan ugu deegaan badan marka laga yimaado shanta Degmo ee Gobolka.

Ilaayo hada Gobolka Sanaag Waxaa Gudoomiye iyo Duq ka ah Beelaha aan kor kusoo sheegay waxayna taasi dhabaha u jeexday in ay Beesha Warsangali ka noqoto GobolkaMinority

Qeybta Labaad ee Barnaamijka aanu ugu Magac darbay Dibu Sixida Magaca Sanaag Bari Waxaanu kusoo qaadan doonaa doorka ay ka qaateen Magaca Sanaag Bari Siyaasiyiinta Reer Maakhir ee ku Sugan Magaaladda Hargeysa iyo qaabka ay u hirgalisay Maamulka Soomaali diidku Magaca Sanaag Bari.

Wixii Faah Faahina Kala Xidhiidh
LaasqorayNet
Laasqoray.Net@gmail.com
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Sanaag”