
Haweenka Soomaliyeed ee ku nool G/dhexe oo isku diyaarinaya inay ka qeyb qaataan jihaadka ka soconaya qeybo kamid ah g.dhexe.
28 11 2010
Haweenkaan oo xiran tootaha ciidanka iyo qoryaha ayaa lagu arakayay qeeybo ka mid ah degmada guriceel ee gobolka galagaduud si ay u caawiyaan walaahooda raga ah .
Haweenka geesiyashha ah ayaa sheegay in ay ka qeeyb qaadan doonaan jihadka ka soconaya qeybo kamid ah gobolka si ay kaga xureeyaan khawaarijta aaaminsan fikradaha qaladan .
Midkamid ah haweenkii maanta aadayay safka hore ee mujahaidinta ahlusuna oo magaceeda ku soo gabisay xaawo ayaa Webka mustaqiim uga warantay bal sabbata haatan ku qasabtay in iyadoo haween ah ay aado safafka hore ee jihadaaka. “ tan waxaa nagu kaliftay inagoo haween ah in aan ka difaacno khawaarijta cadawga ee ku soo duulay diinta Islaamka oo aan ka difaacno Dalka iyo Diinta“
Haweenkaan musliminta ah ee iyagu ka qeyb qadaanaya jihaadka ay culimada xaqudirirka ah ee ahlusuna waljamaaca ku lajiraan kooxaha khawaarijta ah ee caadeeysta daadinta dhiiga shacabaka muslimiinta ah ee Soomaliyeed iyo fagida qabuuraha Mashaa'iqda Soomaliyeed ayaa lafilayaa in ay guulo balaaran ka soo hooyaan.
Horay ayey culimada Ahlusuna dagaalo farah Ad uculus ku qaadeen Khawaarijta Al-habaab iyo Xisbul shaydaan iyadoo ay dagaalakaasi ay jab farabadani ka soo gaareen khawaarijta.
By: wariye xasan maxamed samatar (cowke)
Xafiiska warqabadaka mustaqiim ee guriceel
Email: xasancowke2@hotmail.com
Wished that the bantu shabab women were also part of this war, because then the brave galgadudian females would slapp them
