Xukumada Somaliland try to arrest Sheikh Aadan Siiro
Moderator: Moderators
Xukumada Somaliland try to arrest Sheikh Aadan Siiro
Aadan Siiro oo looga yeedhay CID kadib markii uu Khudbad Weerar uu la bartimaameedsaday Xukuumada.
Hay’adda baadhista dambiyada ee CID-da ee Somaliland ayaa la sheegay inay warqad yeedhmo ah u qortay Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan-Siiro), oo ka mid ah culimada waaweyn ee dalkan Somaliland.
ilo xogogaala ayaa Wargeyska Geeska Afrika u xaqiijiyay in warqada yeedhmada ah ee loo qoray Sheekh Aadan-Siiro ay la xidhiidho khudbad kulul oo uu Salaadii Jimce ee doraad ka jeediyay masaajidka ku yaala xaafadda Xawaadle ee magaalada Hargeysa, taas oo uu kaga tiraab celiyay hadalo ka soo yeedhay Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gabose, oo uu kaga hadlay nin Jarmal ah oo Hargeysa ugu xidhan falal dhaqan xumo ah oo uu ku sameeyay hablo reer Somaliland ah, waxaanu Sheekh Aadam ku baaqay in ninkaas shareecada Islaamka la mariyo. Ilahaas xogogaalka ahi waxa ay intaas ku dareen in la filayo in Sheekha maanta looga yeedho xarunta CID-da, waxaana la sheegayaa inay Sheekha arrimahan u maleegayaan masuuliyiin ay dhibtay khudbadiisii salaadii Jimce oo doonaya inay sharaf dilaan.
Sheekh Aadan-Siiro oo ku caan baxay ilaalinta shareecada iyo qaddiyadda Somaliland, khudbadihiisana salaadda Jimce ku eega hadba dhacdooyinka bulshada dhexdeeda ka taagan, laguna yaqaano difaaca arrimaha danyarta iyo waxtarokooda, waa markii ugu horaysay ee intii xukuumado dalka soo maray looga yeedho xarunta CID-da ee Somaliland, waxase la eegi doonaa halka ay isugu biyo shubato arrintan oo la filayo inay dareen xaasaasi ah ka dhex abuurto bulshada, maadaama oo uu yahay Sheekh magaca ku dhex leh bulshada islamarkaana taageerayaal badan iyo jawaabta ay shacabku ka bixiyaan.
Hay’adda baadhista dambiyada ee CID-da ayaa lagu eedeeyaa inay indhaheeda iyo shaqadeeda ku koobto bulshada Somaliland gudaheeda, balse ay iska indho tirto inay nidaam qaran ku shaqayso, waxaana la xasuusanyahay inaanay dan iyo muraad ka gelin dadka ka soo horjeeda qaranimada Somaliland ee dhex mushaaxa magaalooyinka kala duwan ee Somaliland oo uu u dambeeyay siyaasiga Cismaan Jaamac Cali oo isagoo aan aaminsanayn Somaliland dhawaan muddo dheer dalka joogay. Waxaana muddooyinkan dambe la arkayaa in hay’adani hawlaheeda ku koobtay daba galka dadka difaaca ee taageersan madaxbanaanida Somaliland. Si kastaba ha ahate yeedhmada CID-da ee Sheekh Aadam-Siiro, waxa la eegi doonaa halka ay ku dambayso iyo wararka ka soo kordha.
Wargeyska Geeska Afrika

Re: Xukumada Somaliland try to arrest Sheikh Aadan Siiro
Another embarrasing move by xukumada Siilaanyo. 
Re: Xukumada Somaliland try to arrest Sheikh Aadan Siiro
Wasn't Aadan Siro praising the govt just a week saying Sheiks in SL have more freedom that in any other Mulsim country?
What does the article say, my reading of Somali is not that great.

- Cali_Gaab
- SomaliNet Super

- Posts: 14013
- Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
- Location: Sleeping next to my life's cottage
Re: Xukumada Somaliland try to arrest Sheikh Aadan Siiro
Calm down, when Jaalle Axmed Maxamed Maxamoud returns things will be sorted.
Re: Xukumada Somaliland try to arrest Sheikh Aadan Siiro
Cali_Gaab wrote: Jaalle Axmed Maxamed Maxamoud
- ChiefAaqil
- SomaliNetizen

- Posts: 526
- Joined: Mon Nov 15, 2010 1:41 pm
Re: Xukumada Somaliland try to arrest Sheikh Aadan Siiro
Finally, Silaanyo is showing balls. Habar jeclo waa rag.
Aden 0, should have been arrested a long time ago. Riyaale didnt have the balls
to arrest this tribal crazy wadaad.
Aden 0, should have been arrested a long time ago. Riyaale didnt have the balls
to arrest this tribal crazy wadaad.
Re: Xukumada Somaliland try to arrest Sheikh Aadan Siiro
yunis09 wrote:Cali_Gaab wrote: Jaalle Axmed Maxamed Maxamoud![]()
![]()
![]()
![]()
![]()
Re: Xukumada Somaliland try to arrest Sheikh Aadan Siiro
Ma xuxkumada ba far sari kartaa sheikh adan siiro
Culimada Somaliland ugu weyn bu ka tiran yahay mudaharad ba lugu kicin dowlada walahi hadday isku dhaydo in adan siiro far saarto 
-
djibsomali
- SomaliNet Super

- Posts: 5229
- Joined: Fri May 25, 2007 6:39 pm
Re: Xukumada Somaliland try to arrest Sheikh Aadan Siiro
walli maa iloobiin hadaladiisii eeh arintii ceelbardaleeh!!
niinkaa aniguu waxaan uu aqanaa moryaan!
wassaq wassaq dhalay ooh sheikh iskuu sheeg aaah...

- RuralMan08
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 4512
- Joined: Thu Sep 10, 2009 8:45 am
- Location: His Royal Majesty
Re: Xukumada Somaliland try to arrest Sheikh Aadan Siiro
What did he say about that?djibsomali wrote:walli maa iloobiin hadaladiisii eeh arintii ceelbardaleeh!!
niinkaa aniguu waxaan uu aqanaa moryaan!
wassaq wassaq dhalay ooh sheikh iskuu sheeg aaah...
- ChiefAaqil
- SomaliNetizen

- Posts: 526
- Joined: Mon Nov 15, 2010 1:41 pm
Re: Xukumada Somaliland try to arrest Sheikh Aadan Siiro
Aden 0 aint no Sheick, he is the leader of a dangerous tribal sect withing Habar Awal.
Aden 0 believes there should be "clash between civilizations" in order to restore Habar Awal
domination in Somaliland. He is a dangerous men who contaminates Somaliland with his hate speeches.
He has few real followers mainly in one area of Hargeysa, where his powerbase is established.
Silaanyo Goverment should lock him up.
Aden 0 believes there should be "clash between civilizations" in order to restore Habar Awal
domination in Somaliland. He is a dangerous men who contaminates Somaliland with his hate speeches.
He has few real followers mainly in one area of Hargeysa, where his powerbase is established.
Silaanyo Goverment should lock him up.
-
djibsomali
- SomaliNet Super

- Posts: 5229
- Joined: Fri May 25, 2007 6:39 pm
Re: Xukumada Somaliland try to arrest Sheikh Aadan Siiro
wuxuu laa saftay kuwii fuleydaa haaa eeh 4 niin ee safarkaa ahaa dishay!!RuralMan08 wrote:What did he say about that?djibsomali wrote:walli maa iloobiin hadaladiisii eeh arintii ceelbardaleeh!!
niinkaa aniguu waxaan uu aqanaa moryaan!
wassaq wassaq dhalay ooh sheikh iskuu sheeg aaah...
- RuralMan08
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 4512
- Joined: Thu Sep 10, 2009 8:45 am
- Location: His Royal Majesty
Re: Xukumada Somaliland try to arrest Sheikh Aadan Siiro
And he calls himself a Sheikh.djibsomali wrote: wuxuu laa saftay kuwii fuleydaa haaa eeh 4 niin ee safarkaa ahaa dishay!!
Qabiil iyo Sheikhnimo xaggee bey isku heshiiyeen?
- ChiefAaqil
- SomaliNetizen

- Posts: 526
- Joined: Mon Nov 15, 2010 1:41 pm
Re: Xukumada Somaliland try to arrest Sheikh Aadan Siiro
Unfortuantly our SOL Suldaan Emperior is one of the followers of Sheick Aden 0.
Suldaan, do you agree that Aden 0 has to be arrested for incetement violance between clans?

- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 19 Replies
- 1196 Views
-
Last post by Ina Baxar
-
- 4 Replies
- 806 Views
-
Last post by theyuusuf143
-
- 19 Replies
- 2408 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 2 Replies
- 1377 Views
-
Last post by Goljano Lion
-
- 2 Replies
- 824 Views
-
Last post by Ron
-
- 3 Replies
- 1400 Views
-
Last post by ZubeirAwal
-
- 2 Replies
- 570 Views
-
Last post by salafi_student
-
- 34 Replies
- 2826 Views
-
Last post by Thuganomics
-
- 8 Replies
- 983 Views
-
Last post by Timiro1999
-
- 6 Replies
- 905 Views
-
Last post by SLJOOFAY