
Shan iyo soddon Mudane oo ka tirsan Golaha Wakiiladda ayaa maanta soo hordhigay Golaha Mooshin ay ku doonayaan in lagu furro Xeer hoosaadka Golaha Wakiiladda si ay xilka uga qaadaan shirguddoonka Golaha Wakiiladda.
Ka hor intaan Mudanayaashaasi laga qaban Mooshinka waxa Golaha Hadheeyay Buuq iyo Muran xoogan oo ka dhashay diidmo uu diiday Mooshinkaasi inuu qabto Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax oo Guddoominayay Fadhiga Maanta waxaanu buuqaasi sababay in uu xidho Shira isla markaana Dibeda uga baxo Golaha isaga iyo Xildhibaano ka mid ah Goluhu, hase yeeshee muddo kabacdi ayuu Golaha Dib u furay, waxaanu ka qabtay Mudanayaashii Mooshinka watay Mooshinkoodii isagoo cayimay fadhi danbe in la iskugu soo noqdo Axada Toddobaadka soo socda.