

Car Waa Ninka Dib U Sheegta Hashayda Dhexyara
Dec 03, 2010
Waxaa mahad oo dhan iskale Ilahay, nabad iyo naxariisina ha ahaato Nabi Muxamed korkiisa iyo dhammaan inta raacday hanuunka.
Intaas kadib waxaan jeclahay inaan wax yar oo faah faahin ka baxsho cinwaanka maqaal kan oo ah Car Waa Ninka Dib U Sheegta Hashayda Dhexyar ka hor intaanan uguda galin dulucda maqaal kaygan. Magaca Dhexyar waxaa loo yaqaan magac hal ama gabdh etc. Hasayeeshee hadda waxa uu u taagan yahay magaalo madaxda SSC ee Laascaanood oo aynu hadda ognahay inay gacanteena ka maqantahay. Haddii aan u gudo galo dulucda maqaal kaygan ayaa waxaa jirtay dhacdo yar oo aan shaqsiyan lakulmay anigu iguna dhalisay inaan dad ka reer SSC u sooban dhigo si ay wax uga dheefaan ayna u ogaadaan haddii aysan midoobin ama tashan in loo tashan doono. Waxaa iska cad oo aan dafiraadi ku jirin in belaha ama maamulada hareeraha ka xiga SSC ay ahaaheen ama yihiin kuwo wali sheegta SSC, si ay magacana ugu balaadhsadaan aduunyadana kaga helaan dhaqaalo iyo mashaariic dheeriya. Arintaasi waa mid soojirtay hadana jirta waana ta ina dhaxal siisay in inaga oo sootagan dhulkeenii lala wareego. Waxaan ku soobaxay maalin dhawayd laba nin oo aanan aqoon dheer u lahayn iyana iilahayn. Labadaa nini waxaa ka dhex aloosanaa muran dheer oo malahayga markaas iilamuuqday inay gacanta isulatilahaayeen haddii aanan ku soo bixilahayn. Waan bariitiye waxaana ku salaamay Salaanta Islaam, waxaana su'aale waxay isku hayeen labadaa nini? Waxaa laygu wada jawaabe halmar waxaanu isku haynaa Laascaanood. Waxaan waydiiye su'aal kale oo ah xaggee kakala soojeedaan ragu wax waa isku qaban karaane? Waxaa laygu kala jawaabe Garoowe iyo Hargaysa ayaan ka kala nimid. Aniga oo markaas xogaa wajigaygu isbadelay ayaan waxaan ugu jawaabe war nin haddii hali ka lunto oo uu ka war helo in rag kale isku haystaan oo uu dhaho tani waa hashaydii oo uu sumadeedii oo dhamaystiran sheego oo halkii ay ku dhalatay sheego maleeyahay mise male? Waxaa laygu jawaabe haa haa waa leeyahay. Waxaan ugu jawaabe hadaba hasha (Laascaanood) ninkii lahaa baan ahaye kula dareera meesha intaanay talo fara ka haadin. Nimankii muransaa intay gacanta iisoowata taageen ayay waxay iigu jawaaabeen aderoow raali ahaw mar haddii aad tahay ninkii lagaa Laascaanood, waxaana mid kamida ragii tuug laqabtay noqday hadal iigu siidaray ma SSC baad tahay waadiga saas noola hadlaye? Waxaan ugu jawaabe haayoo SSC baan ahay. Waxaa laysugu caqli celiye war iyadaa dan inoo ah oo haddi muran inaga dhexeeyay halkaas buu ku dhamaaday, waxaana meeshii ka dhaqaaqay ninkii ka yimid Waqooyi galbeed. Ninkii kale ee kayimid Garoowe ayaa igu sooyara hadhay hadalna iwaydiiyay oo yidhi war Laascaanood waa wada leenahay waana tan aan u doodayaye maxaad saa iigu gashay? Waxaan ugu jawaabe adeer lahaantaasi waa waxay Laascaanood eeday dhinaca looga soodhacayna ninkii ka masuul ahaa baad tahaye mardambe masheegan kartid hashayda Dhexyar, halkaasna waa isku macasalaamaynay raggii aniga oo nool irabay inay i dhaxlaan laakiin aan ka hortafay. Waxaan ku soogabagabayn maqaal kaygan Car waa ninka hashayda dib u sheegta Dhexyara ilaa nin xaq ule mooyee. Guusha Waxale inta Raacda Soomaalinimada, Sinaanta Iyo Cadaalada. Maxamuud Ciise Bootaan,
Buhoodle, SSC-SOMALIA