
Madaxweyne kale oo loo caleemasaaray gobolka Hiiraan
--------------------------------------------------------------------------------
Madaxweynaha Maamulka Hiiraan & Midland
Isniin, December 06, 2010 (HOL) - Magaalada Nairobi ee Xarrunta dalka Kenya ayaa maalintii Axada waxaa lagu caleemo saaray madaxweynaha maamulka Hiiraan iyo Midland ee bartamaha Soomaaliya Md. C/qaadir Aadan jiraabeey .
Caleema saarkan oo ka dhacay xaruunta Shiraraka ee KI CC ayaa waxaa ka soo qeyb galay dadweyne kamid ah jaaliyada Soomaalida ah ee kunool magaalada Nairobi oo ay kamid yihiin Masuuliyiin, odoyaal iyo marti sharaf kale.
Madaxweyne Jiraabeey ayaa loo caleemo saaray inuu madaxweyne kanoqdo maamulka Hiiraan iyo Midland
Masuuliyiin kale oo kamid ah maamulkaasi ayaa gooobta lagu dhaariyay kuwaasi oo balan qaaday inay gudan doonaan waajibaadka loo xil saaray.
Ma aha maamulkii ugu horeeyay oo dad qurba joog reer Hiiraan ah ay ku dhisaan dibada iyaga oo laga wada warqaba marxalada maanta uu gobolkaasi kusuganyahay. Bishii Augusto 20keedi ee sannadka ayaa magaalada Nairobi lagu caleema saaray maamulka Hiiraan State uuna madax ka yahay Maxamuud Cabdi Gaab.
Waxaa Hiiraan hadda kusugan taageerayaasha maamulada Hiiraan State iyo Dooxada shabeelle oo labaduba ah maamulo dhawaan la dhisay, kuwaasi oo masuuliyiintoodu ay kusuganyihiin gudaha Soomaaliya.
Jaaliyada reer Hiiraan ayaa inta badan xafladaha ka sheega inay doonayaan maamul ay dhisteen oo gacanta kudhiga gobolka Hiiraan.
Maamulka Hiiraan iyo Midland ayaan la ogayn inuu kubiiri doono maamuladii hore oo ciidan iyo masuuliyiinba geeyay gudaha Hiiraan gaar ahaan nawaaxiga deegaanka Feerfeer iyo Beer gadiid ee gobolka Hiiraan.
Gobolka Hiiraan waxaa uu dhacaa bartamaha Soomaaliya waana gobol uu marro webiga Shabeelle waxaa uu ka kooban yahay shan degmo oo kala ah Beledweyne oo xarrunta ah, Buulo burte, Maxaas, Jalalaqsi iyo Matabaan.
Waxaa guud ahaan magaalooyinkaasi ka arrimiya maamulka xarakadda Al-shabab marka laga reebo dhanka waqooyi galbeed ee Magaalada Beledweyne ilaa Matabaan.

Qurbajoogta are playing sickest fantasy game. Its so real yet fake.