Gaalkacyo (RBC Radio):- Hay’ada Tadamun ayaa maanta dhagax dhig u sameysay dhisme weyn oo loo asteeyay in laga dhiso machad lagu baran doono arimaha beeraha iyo xanaanada xoolaha.
Munaasabad loo sameeyay dhagax dhiga dhismaha machadka ayaa waxaa kasoo qeybgalay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Ra’isulwasaare xigeenka ahna Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Dawladda FKMG Soomaaliya Mudane C/weli Maxamed Cali, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Puntland Mudane Xasan Cabdi Maxamuud, Wasiir xigeenka Waxbarashada Puntland Mudane Cali Axmed Gamuute, Wasiir xigeenka Xanaanada iyo Xoolaha Mudane C/weli Xirsi Nuur, Duqa degmada Gaalkacyo Mudane C/raxmaan Maxamuud Xaaji iyo Maamulka iyo Shaqaalaha Hay’ada Tadamun.
Funded by our brothers at the Islamic Development Bank.
