VybzKartel wrote:grandpakhalif wrote:An accident, nothing more, nothing less.
You got to be able to admit the mistakes of those you support.
AMISOM OO RAALI GALIN KA BIXISAY BUR BURINTII SHABEELE
Muqdisho:( Sh. M. Network) Warsaxaafadeed ka soo baxay Maanta taliska Ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa AMISOM waxaa ay raali galin uga bixiyeen fal shalay Taanki ay leeyihiin Ciidamadooda uu ku bur buriyay qeyb ka mid ah dhismaha Shabelle.
Aqriso Warsaxaafadeedka.
Shalay Sacadu markii ay ku beegneyd qiyaastii 6-dii maqribnimo taangi ay leeyihiin ciidamada AMISOM oo ka soo laabtay howlmaalmeed ayaa si kedis ah ugu dhacay qeyb ka mid ah dhismaha Idaacada Shabelle oo dhawaan ku guuleysatay Abaalmarinta Idaacada ugu wanaagsan Caalamka, taasoo keentay in qeyb ka mid ah dhismaha xarunta Shabelle uu bur buro.
Siwaafaqsan Sharuucda ciidamada AMISOM u degsan, Taangigii iyo ciidamadii kolanyada ahaa ee la socday ayaa goobta uu shilku ka dhacay isaga dhaqaaqay kuwaasi oo warbixin deg deg ah u gudbiyay taliyahooda.
Warar hordhac ah ayaa waxa ay sheegayeen in dhacdadaani ay la mid aheeyd shilalka ka dhaca wadooyinka Muqdisho, balse ciidamada AMISOM ayaa baaritano ku sameynaya sababaha keenay shilkaas.
Koox ka tirsan AMISOM ayaa maanta loo diray xarunta Shabakadda Warbaahinta Shabelle si ay qiimeyn guud ugu sameeyaan bur burkii gaaray dhismaha Idaacada.
AMISOM si daacadnimo ah ayaa waxa ay raali galin ugu gudbineysaa mamulka Radiyaha Shabelle oo ay ka raali galinayaan Shilka dhacay, waxeyna xaqiijinayaan AMISOM inay ka go’antahay sii wadadi ilaalinta iyo xushmeynta Xaquuqda Shacabka Muqdisho.
Afhayeenka Ciidamada AMISOM Gaashaanle Ba-hoku Barigye ayaa yiri : “ tani waa mid ka mid ah waqtiyada sida layaabka leh ay wax u dhacaan marka lagu guda jiro xaaladaani oo kale, nasiib wanaag cidna kuma aanay dhaawacmen, AMISOM-na sida ugu dhaqsiyaha badan ee ugu macquulsan ayay qeybta ka bur bursan Idaacada u dhisi doontaa si loo adkeeyo amaanka xaruntaasi idaacadeed ee qiimaha weyn ku fadhisa, AMISOM waxaa ka go’an inay si adag u ilaaliso Idaacad kasta oo madaxbanaan oo kutaala Soomaaliya, Idaacadaha Muqdishana wey ogyihiin in aan taageersanahay”
Warsaxaafadeedka ayaa waxaa ku saxiinaa Afhayeenka Ciidamada AMISOM Ba-hoku Barigye.
Dhinaca kale ciidamada AMISOM ayaa galabta keenay Idaacada dhagax nuuca Shubka Difaaca ah, kuwaasi oo ay dhigeen darbigii Shalay uu bur buriyay Taangikooda, waxeyna balan ku qaadeen in ay dhisi doonaan dhismaha ay bur buriyeen