Degmada Carmo:Shir Nabadeed Reer Yuusuf iyo Cisman Maxamoud

The region of Maakhir coast and its environs. Maakhir forum discusses current events, economic development and Somali Unity.

Moderator: Junior Moderators

User avatar
muftaax
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 626
Joined: Fri Nov 26, 2010 9:02 pm
Location: Throwing Dabaycos into the Red Sea- Bosaaso Maakhir

Degmada Carmo:Shir Nabadeed Reer Yuusuf iyo Cisman Maxamoud

Post by muftaax »

Degmada Carmo oo Marti Galinaysa Shir Nabadeed oo u Dhaxeeya Beelaha Reer Yuusuf (Dubays) iyo Cismaan Maxamuud (Majeerteen)

Gudiga nabadaynta oo ka kooban qaar kamid ah odayaasha ugu muga iyo miizaanka weyn beelaha Harti ayaa shaaciyey in dhawaan uu shir dhex-dhexaadin ah ka furmi doona degmada Carmo ee gobolka Bari. Abaabulka shirarkani ayaa bilaabmay kadib markii xiisado colaadeed ay ka bilaabmeen qaybo kamid ahi gobolada Bari, Karkaar iyo Haylaan.

Caaqil Cabdi Yuusuf oo ah Caaqilka guud ee Galbeedka Bari kana-mid ah duubabka beesha reer Yuusuf ee Dubeys ayaa warbaahinta dhahar-online uga warbixiyey meelaha ay marayaan wada-hadalada nabadeed oo dhawaanahaanba socday. Caaqilka ayaa sheegayin la’isku afgartay in shir nabadeed uu ka qabsooma degmada Carmo ee gobolka Bari.

Dhawaan ayaa waxay kala gaareen gobolada Karkaar iyo Haylaan wafdi kasoo ambabaxay gobolka Bari oo ay hogaaminayeen Ugaas Xassan Ugaas Yaasiin. Wafdiga ayaa waxay kulama la qaateen beelaha ay dirirta colaadeed kasoo cusboonaatay, waxaana lagu qanciyey labada beelood in dhanka nabada iyo wanaaga wax lagu dhameeyo.

Shirkani waxaa aad usoo dhaweeyey shacabka ku abtirsada beelaha walaalaha ay dirirtu dhexmartay ee dal iyo dibadba.

Dhahar-online
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Maakhir”