Habar jeclo Gabay Responce to Dhullbahante (Xin Dhullos)

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Habar jeclo Gabay Responce to Dhullbahante (Xin Dhullos)

Post by LiQaaye_TDH »

Sida laga warqabo waxay Beesha Sool qabyaalad awgeed ka qaybgashay aasaaaskii Maamulka Puntland ee Somalia ka tirsan sannadkii 1998 si ay u mijaxaabiso qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland uguna wacad-furto qaybtii ay ka qaadatay aasaaska iyo gobonimo la soo noqoshada ummadda Somaliland sannadkii 1991.
Gabaygu waa garnaqsi Beesha Sool ku eedaynaya cadaawad, xin, wacad-fur, qabyaalad iyo dibindaabyo muddo dheer soo taxnaa oo ay ku hayso kuna xumaynayso Beelaha Dhexe ee Somaliland iyada oo og in marnaba nolosha adduunka aan lagu kala maarmikarin lana wadaago: Taariikh, Dal, xuduud, dhaqan iyo dawladnimo dantuna ku jirto in si wadajir ah loogu midoobo dawladnimada, danta guud iyo wax-wada-qabsiga si horumar loo gaadho.

Gabayga oo ah taariikh iyo waano waxa uu ugu dambaynta uga digayaa Beesha Sool nabsi-xumo aan la mahadin oo uga timaada dhibka iyo wacad-furka ay ku hayso dadkeeda iyo dalkeeda. Gabaygu waxa uu toos u khuseeyaa inta lidka ku ah nabadgelyada iyo dawladnimada Somaliland lana safan Puntland iyo Somalia.

Gabayga: Xin Dhulbahante

Beelo derisa dad sokeeye oo, dano wadaagaaya
Oo tuhun ku kala deyranyo, dibin salaan dhiiba
Dar Ilaahay baa rag u galaa, xaajadood darane
Markii guurti loo dumay xujada, damal hadhweyn geedka
Oo Muducigu doodiisa furay, deelka ka higaadshay
Dadow maqal dulmiga Deriska Bari, daya laxaadkiisa
*********
Dal nimaad wadaagtaan taniyo, maalinta la duubi
Sooliyo Sanaag wada degtaan, duurka iyo hawdka
Darka ceelka nimaydaan is-hurin, daaqna wada goosta
Xididnimo nin dadab loo xidhxidho, dhaqanku waa doore
Abtinimo ninkaa loo dugsane, diidi xumihiisa
Ee haddana dareen qaba muxuu, dooni damiciisa?
*********
Wadaadki ninki daba dikriyay, daacad u adeegay
Beelaha Mullaha dool ku yimid, dhaaxo ugu duulay
Ee durbaanka dhiillada ku tumay, deris ninkuu haystay
Damaacigu ninku aakhirkii, darab u leynaayay
Hambadiisa aan daafacee, duunyana u loogay
Xusuustiisu daranaa muxuu, dooni damiciisa?
*********
Samanki Siyaad laga didee, ee dadba hub qaatay
Dulmigu ku maamulay Isaaq, dabargo` uu doonay
Islaamnimo ninkaan ila damqane, derisna aan xeerin
Ee ciidan igu soo dumee, daw kasta igaaday
Doc ka weerarkii igu dilee, dakharna ii geystay
Laga doortay nabadweyn muxuu, dooni damiciisa?
*********
Duhur Xamar markii laysku galay, magan la dooxaayay
Ninki Hodan Hawiye uu dawaray, haybta lagu doonay
Oo magaca deriskii ku baxay, ee dalka u dhoofay
Ee haddana dadkaa doortayee, daba gableynaaya
Xin Dhulbahante ila doonayaa, diirsataa Xamare
Anigaa dantiise muxuu, dooni damiciisa?
*********
Taliskii markii uu dumee, ee dad kala guuray
Ee Kismayo Daarood u qaxay, Doonta kala boobay
Kiiniya xeryaha loo dadbee, duumo ku haleeshay
Adigoo darxumadii qaboo, dakharku uu muuqdo
Ogaadeenka Gaarisa degaa, kuuma diir-nixine
Damqashada anaa roon muxuu, dooni damiciisa?
*********
Ina Yuusufkaa Mudug degee, duufshay gobolkiisa
Dawladnimada sheegtee dadkuba, yaabay damiciisa
Ee dalku degaankiisu yahay, diidan taladiisa
Qaarba difaacoo u raran, doonyana u meera
Jundi baaska weligoodba diran, waad ku durugteene
Doolaalo waa damac muxuu, dooni damiciisa?
*********
Hadaad tebeyso Daarood dal kale, wehelna aad dooni
Warsangeliba waynala degaa, waana deriskaaye
Kala sooca daa oo midnimo, geli damiirkaaga
Qabyaaladi horay noo dishoo, diiftu nagu taalle
Magane dib yaan loogu noqon, dumiso weyaane
Danta guud haddaan rabo muxuu, dooni damiciisa?
*********
Dalka gobolka lagu dhaato`e, Shiikha lagu duugay
Sanaag Bari nin dacalkeeda dega, dooda wada sheegta
Daandaansi door moodayo, damacu uu qaaday
Dulmi uun nin taageerayoo, seegan danihiisa
Oo Isaaq dhibkiisuun dawara, doona xumihiisa
Ee degmada dagaal hurin muxuu, dooni damiciisa?
*********
Israacii ninkaa ila degee, daadku ila qaaday
Gobonimo la duudsiyay ninkaan, wada dabayl raacnay
Oo midnimada duminteed ogaa, duulki kala gooya
Ee haddana markale dawladnimo, dooni inuu loogo
Oo daawadii igu furee, weli dantii moogan
Dawlad gaara ila lihi muxuu, dooni damiciisa?
*********
Dal barwaaqo khayraad badeed, dalagyo beereedka
Dekadaha u furan ganacsigiyo, duunyo laga dhoofsho
Macdan dihin shidaal noocyo badan, daafta wada jooga
Wanaagaa ninkaa laga dedee, ee dal kale dooni
Quudhsiga dalkuu qabo qalbigu, waa damqanayaaye
Qawad daran hadduu qabo muxuu, dooni damiciisa?
*********
Dunidan la soo koobayee, Maars lagu duulay
Dayaxyada samada loo diree, wararka duubaaya
Ee wadajir lagu doogsadee, lagu dakaynaayo
Daa`iro ninkaa nala rabee, dabinka uun qoola
Dibindaabi Somaliland, dawlad kale sheegta
Midnimaa na doojine muxuu, dooni damiciisa?
*********
Samihiis nimaan doonayaa, tayda duminaaya
Nabsi daahay duul waa helaa, oo duleed imane
Goortu derbiga soo jabsado, waa dubbe Ilaahe
Dabaqabadku waa dane haddii, looga digo beesha
Derisnimo wanaagiyo hadday, dawladnimo dhawrto
Ninka aan ku diirsani muxuu, dooni damaciisa?
*********
Beeshaa dalbaa noo dhexiyo, dawladnimadiiye
Danbaa naga dhaxaysiyo degaan, daaqsin iyo ceele
Sidaa labada daarood ta hore, Daa`inkaa qoraye
Mar haddaan ka digay oo nabsiga, daahir ugu sheegay
Oo duqiyo culimiyo waxgarad, wada dareensiiyay
Doorashada xumaan iyo samaan, Eebbow deriskaa leh
*********
Dhammaad
I. G. Xasan
User avatar
KyrieJama
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3930
Joined: Tue Aug 24, 2010 8:21 pm
Location: Somalia

Re: Habar jeclo Gabay Responce to Dhullbahante (Xin Dhullos)

Post by KyrieJama »

Reply:

JAAMACOOW DABUUB GABAY ANAA DOONAYOO RABINE
DAA MARKAAN IRAAHDABA RAGBAA DAAHA ROOGSADE
HAL IDURAY BALAAN DAYO HALKAY DAMACDAY LAABTAYDU

DIRAWGIYO BUURTIYO DADKAAN DAW KASOO ROGAYEY
DIIHAALKA GAAJADA DADKAAN DAYAC KA EEGAAYEY
DOOXIYO NUGAAL GODAN DADKAAN DAAQA ODHANAAYEY

DEEGAANKA NIMANKAAN DEJEE DAAYA ODHANAAYEY
DABATADIYO GAAJADA DADKAAN DUUNYO UGA YEELAY
DEEGAANTA MEESHAY DEGAAN LOO DANGELAHAYNIN

DEEQ IYO GABAATIGA DADKAAN DERIS USIINAAYEY
DAALO IYO DUGSIGA CAYNABIYO DOOXA GARANUUGLE
DERIS IYO DADKII AANKA DHIGAY DAAWO KUWA YEESHA

DAAWADII WUXUU FURAY MARKII GAALKU SOO DEGAYE
GAALIYO DARAAWIISH MARKII DIRIRTU AY GAADHAY
DALKA MALIHID IYO WAA XUKUMI DOODU KALA GAADHAY

DUULAANKA ADIGAY GASHIYO DAB IYO BAARUUDE
DAWGAY MARAYSABA ADAA DUUBCADII JARAYE
ADIGAA DALKOODII DEGOO DUUNYADII DHACAYE


DIINTIYO DARIIQADA ALE YAAD KADURUGTEENE
DAMEER INUU DANAANIYO BIQLAHA DAAYO LAGA WAAYE
DOOFAAR MADAAHIRO HADAY DURDURA MAYDHAANE

DALKA WAXAD UKALA GOOYNAYSAAN DAMAC NIJAASEEDE
DARIIQII KUFRIGU JEEXAYBAAD DAALIB LEEDHAYE
BAL DAYOOY WAXAAD DOONAYSAA DERA JADIINIIYE

DOOXIYO NUGAAL WAXAD FADHIDAY BOQOL DIRAACOODE
DULJOOGII BADWAYN IYO GAR ADAG DAAYEY WAAYADANE
DAYRTIYO DIRAACDII MADEGO DEGELKI CAYMEEDE

GEEL KAMA DURDUURTO INTUU DUDADA BUUXSHAAYE
XAMAR DUUBCADII SAARANTAHAY DAW MAMARIYAANE
DHALINYARO DAMAASHAADAYSAA KAMA DUL BUUXAANE

DUMAR LOOMA SOODIRO HADYADA DAHAB SIDIISIIYE
HABLA DOONAN LOOLAMA XISHO DAYMA QALINLAYE
ABTI BEESHU WAA SOO DEGTIYO DIIDE MAGANTIIYE

DAN UGUUR DAYAAFAD IYO GOOL ILAMA DOONTAANE
DIBNAHAYGA MAANTAAN XIDHO DIRAW MA AADAAN
INGIRIIS WAXAW DOONAYSAAN DUMIYA REERKAASE

IdiKAAN DADBA AHAYN AYAAD DOOR KUNOQOTEENE
DURIWEEYE XAAJADA MIDAAD IGU DAYEYSAAYE
DABCIGII AWOWGAA AYAAD DOONI MAANTANE

DAWAARKAYSLA KAAROGI INTAAD DUUBO LEEDAHAYE
DADAADUBA SINIINBAY AHAYD DOOR KU NOQOTEENE
DURUUFAHA ADADAG WAANIGII KAA DAWAYNJIRAYE

DADKA KII ABAAL KUGU LEH YAAD DAALIB LEEDAHAY
NIN DAWAAR QALBIGA KAGA JIROO DAADUFAAD TAHAYE
DAN DHULBAHANTE MAXAA KAA GALOO UGU DANA SHEEGAN
samadoon-waaxid
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4228
Joined: Tue Feb 10, 2009 9:48 pm
Location: telling Siilaanyo's daughter ictiraaf bed time stories

Re: Habar jeclo Gabay Responce to Dhullbahante (Xin Dhullos)

Post by samadoon-waaxid »

LiQaaye_TDH wrote: Gabaygu waa garnaqsi Beesha Sool ku eedaynaya cadaawad, xin, wacad-fur, qabyaalad iyo dibindaabyo muddo dheer soo taxnaa oo ay ku hayso kuna xumaynayso Beelaha Dhexe ee Somaliland iyada oo og in marnaba nolosha adduunka aan lagu kala maarmikarin lana wadaago: Taariikh, Dal, xuduud, dhaqan iyo dawladnimo dantuna ku jirto in si wadajir ah loogu midoobo dawladnimada, danta guud iyo wax-wada-qabsiga si horumar loo gaadho.
:lol: :lol: :lol:
this fool is preaching secession via talking about the virtues of unity,call ma knuckle head if thats not the mother of all oxymorons.hadhwato ayaa lagu odhanaya HJ caqli caruur ma leh,fu!cking dabo cuyuun :lol: :lol:
User avatar
malakumod
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1699
Joined: Sun Apr 11, 2010 3:45 pm

Re: Habar jeclo Gabay Responce to Dhullbahante (Xin Dhullos)

Post by malakumod »

:lol: :lol:
User avatar
XAGLATOSYIE
Posts: 106
Joined: Thu Dec 16, 2010 6:56 pm
Location: attacking an enemy does not know what to defend and defending of enemy does not know what to attack

Re: Habar jeclo Gabay Responce to Dhullbahante (Xin Dhullos)

Post by XAGLATOSYIE »

malakumod wrote::lol: :lol:
:|
Last edited by XAGLATOSYIE on Tue Dec 21, 2010 5:25 am, edited 1 time in total.
User avatar
XAGLATOSYIE
Posts: 106
Joined: Thu Dec 16, 2010 6:56 pm
Location: attacking an enemy does not know what to defend and defending of enemy does not know what to attack

Re: Habar jeclo Gabay Responce to Dhullbahante (Xin Dhullos)

Post by XAGLATOSYIE »

:lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol:
User avatar
XAGLATOSYIE
Posts: 106
Joined: Thu Dec 16, 2010 6:56 pm
Location: attacking an enemy does not know what to defend and defending of enemy does not know what to attack

Re: Habar jeclo Gabay Responce to Dhullbahante (Xin Dhullos)

Post by XAGLATOSYIE »

XAGLATOSYIE wrote:
malakumod wrote::lol: :lol:
:|
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”