Shirkada Golis Oo Moobilo iyo Kaarar Gudoonsiiyey 15 gobol

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Shirkada Golis Oo Moobilo iyo Kaarar Gudoonsiiyey 15 gobol

Post by FBISOMALIA »

Image
Shirkada Isgaarsiinta ee Golis ayaa maanta gudoonsiisay tababarayaasha 15-ka gobol ee ka qaybgalaaya ciyaaraha gobolada Soomaaliya oo kasoconaaya magaalada Garoowe agab isugu jira Moobilada gacanta lagu qaato iyo Kaararka,iyadoo kaar kasta uu u furanyahay adeega SAHAL oo la isku diro lacag.
Munaasabada tababarayaasha lagu gudoonsiinaayey telefonaada gacanta iyo Sim cardska oo ka dhacday xarunta dowlada hoose ee Garoowe waxaa kasoo qayb galay madaxda xirriirka kubadda cagta Soomaaliyeed,maamulka gobolka iyo madaxa suuqgaynta Shirkada Golis.

Gudoomiye kuxigeenka xirrirka kubadda Cagta Soomaaliyeed Cabdirashiid Baki oo kulanka ugu horeyn ka hadlay ayaa uga mahadceliyey Shirkada Golis qaabka ay uga qayb qaadatay soo dhoweynta ciyaaraha,waxaana uu xusay in akoon kale ay ugu deeqday Shirkada Amaal Bank kaas oo gobol kasta cidda taageeraysa ay lacag ugu soo diri karaan.

Kuxigeenka Madaxa Suuqgeynta ee Golis Siciid Xussein Ciid ayaa sheegay in Shirkadooda ay kaalin weyn ka qaadanayso qabsoomida ciyaaraaha iyadoo uu sheegay in hab kala duwan ay kaga qayb qaadanayso.

Sidoo kale wuxuu sheegay markii xirrirka kubadda cagta ay ka codsadeen kaararka ay go’aansadeen in aan kaar oo keliya wax tarayn ee loo baahan yahay in moobilka uu kaarka ku shaqayn lahaa ayna kusoo dareen.

Shirkada Golis ayaa qayb ka ah shirkadaha sanadkaan sida weyn uga qayb qaadanaaya ciyaaraha gobolada Soomaaliya.

Maxamed Siciid Yuusuf
Wakiilka Horseed Media
Garoowe,Puntland
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”