"Sida aan aaminsanahay Puntland kaalin wayn ayey ku yeelan kartaa xal u helida dhibaatada dalka ragaadisay " ayuu yiri wasiirka oo siyaabo kala duwan warbaahinta ula hadlay.
Waxaa kaloo uu sheegay in madaxwaynaha Puntland oo shirkaasi ogolaaday si loo qabto,waxaana uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in arintan ay taageeraan.
"Ma aaminsani in ay jiri karaan caqabado arintaa ka hor-imaanaya waxaana leeyahay halaga shaqeeyo midnimada umada sida Puntland oo kale " ayuu hadalkiisa ku daray.
Madaxwaynaha Faroole ayaa shir uu kaga qayb galay Garowe ka sheegay in dowladiisa ay taageeri doonto dadaal kasta oo loo marayo xal u helida dhibaatooyinka dalka ka jira.
Hadalka madaxwaynaha ayaa kalsooni badan u muujiyay qaar kamid ah aqoonyahanadii ka soo qayb galay shirkaasi ,waxaana iminka la dareemayaa diyaar garow arinta la xiriira hadii ay suurtagasho
Maamulka Puntland ayaa sanadkan marti galiayay dhowr shir oo muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen shirkii haweenka Soomaaliyeed,Shirkii Culima’udiinka iyo ciyaaraha gobollada oo iminka ka soconaya Garowe.
-----------
Faroole is truly working overtime.
