
Gen.Ilkojiir:”Puntland Diyaar ayay u tahay Martigelinta Shirweyne Soomaaliyeed”
December 24, 2010 | 0 comments
Wasiirka wasaarada Arimaha gudaha iyo Dawladda Hoose ee Dawladda Puntland Gen.Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir) ayaa sheegay in Puntland ay ka go’aan tahay in ay marti galiso shirwayne Soomaaliyeed isagoo sheegay in Dawladda Puntland wax kasta oo laga arki karo danta guud ee Soomaaliya ay diyaar u tahay.
Isagoo wareysi gaar ah siinayay warbaahinta Horseed Media waxaa uu intaas ku daray in Madaxweynaha Puntland Dr.Faroole uu ku dhawaaqay marti galinta shirwayne Soomaaliyeed isla markaana shirkii haweenka Soomaaliyeed ay dhowaan ku yeesheen magaalada Garoowe uu kusoo dhamaaday natiijo wanaagsan.
Dhanka kale Wasiirka arimaha gudaha Puntland ayaa sheegay inuu aad uga xunyahay in Idaacadaha caalamiga ah ee BBC-da iyo VOA-da ee qaybta luuqada Afsoomaaliga aysan muhiimad siin tabinta ciyaaraha gobolada Soomaaliya ee sida habsamida leh uga soconaaya magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.
“…Soomaali oo dhan ayaa isugu yimi Garoowe,waxana wada kulmay dad ay eheladoodu horay ugu soo barakaceen Puntland oo muddo kala maqnaa…”,ayuu yiri.
Wuxuu hoosta ka xariiqay in labadaas warbaahin uu ku boorinaayo in mudnaantood ay siiyaan ciyaaraha ka soconaaya magaalada Garoowe,waxaana uu tilmaamay in loo baahan yahay in hubanti ka dhigaan baahinta ciyaarahaasi.
Si kastaba Dawladda Puntland ayaa sanadkaan oo keliya martigelisay Shirar kala duwan oo ay kala ahaayeen;
Shirka Culima’udiinka Soomaaliyeed
Shirka Haweenka Soomaaliya
Ciyaaraha Gobolada Soomaaliya
Cabdiqani Cabdullaahi Cabdi
Horseed Media