

Waxaa manta ka dhacday Magaalada Buuhoodle munaasabad balaadhan oo lagu caana shubayay Garaad cusub oo uu ku caana shubatay Ardaaga bah warsangali ee beesha Aadan Axmed, garaadkaasi oo magaciisa layidhaahdo Garaad C/risaaq Askar Galaydh.
Daawo Sawirada + Video
Munaasabad oo ahayd mid balaadhan oo ay kazoo qaybgaleen Qaar kamida waxgaradka Beesha Bah warsangali, Odayaal dhaqmeed, cuqaal iyo culimo awdiin ayaa saaka lagu qabtay qasriga uu kadagan yahay magaalada Buuhoodle Garaad C/risaaq Askar Galaydh oo ah garaad Cusub oo kusoo biiray maslaxa misimada dhaqanka ee magaalada Buuhoodle.
Qaarkamida waxgaradka Beesha uu kazoo jeedo garaadku oo munaasabadaasi ka hadlay ayaa waxay ugu baaqeen waxgaradka beelaha kale ee dega deegaanka buuhoodle in manta wixii kadanbeeya danaha beesha bah warsangali laga xidhiidhi doono garaad C/risaaq Askar Galaydh oo ah garaad cusub oo ay beesha bah warsan gali uxilsaartay arimaheeda dhaqan wixii ka danbeeya manta oo ay taariikhdu tahay 26-12-2010.
Garaad C/risaaq Askar galaydh oo ah nin dhalinyaro ah ayaa wuxuu ku dhashay sanadii 1973 magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Somalia wuxuuna taxanihiisa waxbarashu ku soo qaatay dalka soomaaliya isagoo ka baxay jaamacada lafoole , kaasi oo maanta nasiib uyeeshay in Beeshiisu ay garaad ugu doorato magaalada Buuhoodle.
Munaasabadan caana shubka oo ahayd mid dheer ayaa waxaa gabo gabadii munaasabadaasi duco dheer kusoo gabo gabeeyay garaadka cusub ee manta ay ku caao shubatay Beesha bah Warsangali garaad C/risaaq Askar Galaydh isagoo sidookale ilaahay ka baryay inuu ufududeeyo xilkaa cusub ee manta looxilsaaray.
Allcayn News Desk.
Last Updated (Sunday, 26 December 2010 17:15)