Sheekh Xasan Daahir makes a speech

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Coeus
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11709
Joined: Fri Nov 19, 2010 6:59 pm
Location: Assisting the Mujahideen in Galgala to free their region

Sheekh Xasan Daahir makes a speech

Post by Coeus »

Image

Guddoomiyihii ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys, ayaa markii ugu horreysay kala hadlay saxaafadda xaflad lagu maamuusayay midowga Xarrakatul Shabaab iyo Xisbul Islaam, isagoo si aad ah uga hadlay dagaallada ka socda Muqdisho.

"Dagaallada ka socda Muqdisho, waxay la mid yihiin salaadda, waxaana waajib ku ah qof walba oo Soomaali ah inuu siduu awoodo uga qaybqaato," ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir. Isagoo intaas raaciyay: "Waa in dagaallada socda lagu bixiyo maal iyo naf, qofkii aan awoodinna uu af uga qayb-qaato."

Sheekh Xasan Daahir, ayaan khudbadiisii ku sheegay inuu taageerayo go'aanka ay ku midoobeen Xarrakatul Shabaab iyo Xisbul Islaam, kuwaasoo qaatay magaca Al-Shabaab, isagoo intaas ku daray in looga baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed ay ku midoobaan kallimada Alle.

Mudane Aweys, oo haatan ka mid ah mas'uuliyiinta Xarrakatul Shabaab, oo ka talisa gobollada koonfurta ee Soomaaliya, ayaa xafladda uu ka hadlay waxay ka dhacday degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose oo 30-km koonfur kaga beegan magaalada Muqdisho, halkasoo ahayd degmadii ugu dambeysay ee Xisbul Islaam ka talinayeen markii ay ku biirayeen Xarrakatul Shabaab.

"Waxaan, ugu baaqayaa mas'uuliyiinta Xarrakatul Shabaab inay sameeyaan guddiyo taakuleeya dadka ku nool deegaannada ay abaaruhu ku dhufteen, shacabka iyo ganacsatadaha looga baahan yahay inay kaalmeeyaan walaalahooda ay abaaruhu dhibaatada u geysteen," ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir.

Madax dacwada ee Xarrakatul Shabaab Sheekh Fu'aad Maxamed Khalaf, oo isaguna ka hadlay xaflada, ayaa ku dheeraaday ka hadalka midowga Xarrakatul Shabaab iyo Xisbul Islaam, isagoo ku sheegay inay tahay qorshe ay ku doonayaan inay ku meel mariyaan hadafkooda ku aaddan inay cadowga ka saaraan Soomaaliya.

Sheekh Fu'aad, ayaa si kooban uga hadlay qarax ka dhacay Masjid ku yaalla suuqa Bakaaraha sannadkan horraantiisii, kaasoo uu sheegay in ujeedadu ahayd in lagu dilo isaga, balse uu ka badbaaday, sababta loo badbaadiyayna uu u arko inuu arko midowga mujaahidiinta Soomaaliya.

Munaasabaddan, ayaa noqonaysa tii labaad oo ay ma'suuliyiin ka tirsan Xarrakatul Shabaab iyo kuwii Xisbul Islaam ay ka hadlaan, iyadoo munaasabaddii middan ka horreysay oo ka dhacday Muqdisho ay mas'uuliyiintu ku iclaamiyeen dagaallo cusub oo lala galo dowladda Soomaaliya iyo ciidammada AMISOM.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”