Muqdisho oo Galabta Illaa Caawa Ay ka Socdaan Dagaaladii & Duqeymihii Ugu Cuslaa Todobaadkan
MUQDISHO(OWN)- Dagaalo Aad u culus oo ay dhinaca socoto duqeyn xooggan ayaa galabta illaa caawa ka socda magaalada Muqdisho ee caasimada So0maliya, dagaaladaa oo ah kuwii ugu xoogganaa mudooyinkii ugu danbeeyey ayaa dhex maraya ciidamada dowlada KMG ah iyo kuwa AMISOM oo wadda socda iyo Ciidamada kasoo hor jeeda ee xarakada Al-Shabaab,
Dagaaladan oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo gacan ka helay kuwa AMISOM iyo Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa galabta waxaa ay ka dhaceen inta u dhaxaysa Isgoysyada Dabka, Bakaaraha, Waddada Shaqaalaha iyo xaafado kale oo ka tirsan degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee gobolka Banaadir.
Dagaalka ayaa yimid sida dadka deegaanka ay sheegeen kadib markii Ciiidamo ka tirsan Xarakada Al Shabaab ay weerar ku qaadeen fadhiisimo ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay ku leeyihiin qeybo ka mid ah degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag waxaana markaasi kadib degmooyinkaasi ka qarxay dagaal xoogan oo labada dhinac ay isku adeegsadeen hub culus oo mararka qaar ku dhacayay meelo ka baxsan goobaha labada dhinac ay ku dagaalameen.
Inta la xaqiijiyay ilaa 4-qof ayaa ku geeriyootay ku dhawad 10 kalana waa ay ku dhaawcmeen dagaaladaasi iyo duqeymahaasi, kuwaasi oo dhamaantooda ahaa dad rayid ah oo ay haleeshay rasaasta iyo madaafiicda ay is weedaarsanayeen labada dhinac.
Labo ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen Madfac ku dhacay guri kuyaala inta u dhaxeya Isgoyska KM 4 ilaa Tarabuunka halkaasi oo ka mid ah goobaha sida xun ay uga dhaceen dagaalada.
Inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in uu jiro qasaaro soo kala gaadhay Ciidamada dowaladda oo ay taagayrayaan kuwa AMISOM iyo Xarakada Al Shabaab ayaa hadana waxaa la ogayn qasaaraha dhabta ah ee soo kala gaadhay labada dhinac sabab la xidhiidha goobaha dagaal oo adag in la tago.
Dagaalka galabta ilaa caawa ka dhacay Xaafadaha degmad Hodon ee gobolka Banaadir ayaa ah dagaalkii ugu xoogana ee todobaadkaan ka dhaca Magaalada Muqdisho waxaana guud ahaan Magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda laga maqlayay daryanka madaafiicda la is weydaarsanayay.
Xaalada deganaansho oo aan cago badan ku taagneen ayaa haatan laga dareemaya degmooyinka ay dagaalada ka dhaceen ee Hodan iyo Howlwadaag walow wali laga maqlayo rasaas iyo Madaafiic goos goos ah dhinacyada halkaasi isku horfadhiya .
Al Shabaab shells Amisom Headquarters In Mogadisho
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- The_Emperior5
- SomaliNet Super

- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 45 Replies
- 3259 Views
-
Last post by Shirib
-
- 4 Replies
- 1016 Views
-
Last post by Adali
-
- 48 Replies
- 2717 Views
-
Last post by grandpakhalif
-
- 5 Replies
- 571 Views
-
Last post by abdisamad3
-
- 8 Replies
- 1250 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 1 Replies
- 522 Views
-
Last post by ciyaal_warta
-
- 23 Replies
- 2159 Views
-
Last post by abdisamad3
-
- 7 Replies
- 988 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 8 Replies
- 872 Views
-
Last post by paperino
-
- 1 Replies
- 538 Views
-
Last post by KartiHaween