Cheif Caaqilka Guud ee Beelaha Burco oo la Caleemo Saarayo

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

Garadag
Posts: 20
Joined: Sat Aug 14, 2010 4:59 pm

Cheif Caaqilka Guud ee Beelaha Burco oo la Caleemo Saarayo

Post by Garadag »

Dhaq-dhaqaaq Balaadhan Oo Loogu Diyaargaroobaayo Caleemo Saarka Mid Ka Mida Cheif Caaqilada Guud Ee Beelaha Galbeedka Burco Yeelanayaan Oo Si Weyn Uga Socda Gobolka Togdheer.


Burco(Ramaas) Jan.03, 2010 - Dhaq-dhaqaaq balaadhan oo lagu gogol xaadhayo caleemo saarka Cheif Caaqil Guud oo laga dooranaayo gobolka Togdheer ayaa si weyn uga socda magaalada Burco iyo nawaaxigeeda.

Axmed Maxamed Daahir oo ah Cheif Caaqilkan cusub oo ay dooranayso beesha galbeedka Burco, kadib markii ay u igmatay beeshani in uu buuxiyo Jagadii madax-dhaqameed ee Aabihii Alle hawnaxariistii Cheif Caaqil Maxamed Daahir Cabdi oo geeriyooday badhtamihii sanadkii tagay oo ahaa mid ka mid ah Cheif Caaqilada guud ee beelaha Habar Yoonis.

Xil. Maxamed Diiriye Xayd oo ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka Burco oo ka mid ah dadka wada isku dubaridka xaflada caleemo saarka Cheif Caaqilkan Axmed Maxamed Daahir oo faahfaahin ka bixiyay ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa isagoo u waramay Wariye Mahad Faarax C/laahi: ”Hawsha caleema-saarku si fiican ayay gobolka uga socotaa, beeshuna waxay ku talo-gashay in Axmed Maxamed Daahir noqdo Cheifka guud ee beesha oo uu buuxiyo kaalintii madax-dhaqameed ee Aabihii ka baxay Ale hawnaxariistee.
Caleema-saarkanina waxa uu noqonayaa mid aan loo kala hadhin, waayo Cheifkani waxa uu ka mid noqnayaa kuwa ugu culus gobolka iyo guud ahaan dalka sidaa awgeed weftiyo balaadhan oo ka qaybgalaaya Munaasibada Caleema-saarka oo shanta bisha Burco ka dhacaysa ayaa nasoo gaadhay walina way soo socdaan” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaanku.

Dhaq-dhaqaaqa u diyaargarawga Caleemasaarka Cheif Caaqil Axmed Maxamed Daahir ayaa magaalada Burco si weyn looga dareemay, isla markaana waxa uu ka mid noqon doonaa Madax-dhaqameed ku soo biiray Madaxdhaqameedyada Somaliland gaar ahaan gobolka Togdheer.





Ramaasnews Desk

Burao.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”