Dufaacadii ugu horeysey ee dhamaysatay Iskuul ka Xaaxi

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

Garadag
Posts: 20
Joined: Sat Aug 14, 2010 4:59 pm

Dufaacadii ugu horeysey ee dhamaysatay Iskuul ka Xaaxi

Post by Garadag »

Kulan Lagu Maamuusayey Hormadii Ugu Horeysay Ee Ka Baxda Dugsiga Hoyga Ah Ee Xaaxi Oo Lagu Qabtay Magaalada Hargeysa + Masuuliyiin Ereyo Dhaxalgal Ah Ka Jeediyey (Dhageyso + Daawo Sawiro Fara Badan).









Hargeysa(Ramaas) Jan.02, 2010 – Waxa bishii hore dabayaaqadeedii magaalada Hargeysa lagu qabtay kulan balaadhan loo sameeyey hormadii ugu horeysay ee ka soo baxda dugsiga hoyga ah ee ku yaal tuulada Xaaxi.



Hormadan oo muddo laba sanno iyo badh ah loo waday waxbarasho habeen iyo maalin ah, waxa markoodii hore laga soo uruuriyey tuulooyinka ku yaalla degaanada Miyiga ah ee aanay gaadhin waxbarashada asaasiga ahi. Waxaana mid waliba dib ugu noqon doonaa degaankii uu ka yimi markiisii hore, halkaas oo ay ka noqon doonaan macalimiin joogta ah.



Dugsigan hoyga ah ee Xaaxi waxa gacanta ku haya oo maamulayey illaa asaaskiisii ururka SUNBUL, oo ah urur bulsho ay hogaankiisa hayaan waxgarad iyo ganacsato ka soo jeeda degaanka, kuwaas oo ujeeddadooda ugu weyni tahay waxbarida iyo tarbiyeynta dhalinta ka baxsan degaanada aanay gaadhin waxbarashasa asaasiga ah ee ay maamusho dawladu.




Munaasibada oo la isugu keenay Arday kor u dhafaysay dhawr iyo labaatan, waxa hadalo isugu jira waano iyo gubaabo ka jeediyey, Cabdiraxmaan Cismaan Aadan, Sheekh Yuusuf Aadan, Prof. Cabdisalaan Yaasiin, Xasan Qorane oo dhamaantood ah raggii udub dhexaadka u ahaa suurtagelinta iyo ka midho dhalinta mashruucan waxbarasho. Waxa kale oo iyana halkan ka dhageysan doontaan wareysiyo aanu la yeelanay qaar ka mid dhawr iyo labaatanka arday ee dhameystay waxbarashada.


Barnaamijka oo aad u xiiso badani waa kan ee dhageysi haboon:
http://www.ramaasnews.com/news.php?readmore=5419
User avatar
kaliil
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5400
Joined: Thu Oct 30, 2003 7:00 pm
Location: Nin ku yidhi sinaanmayno adna diid sarayntiisa

Re: Dufaacadii ugu horeysey ee dhamaysatay Iskuul ka Xaaxi

Post by kaliil »

Manshallah :up:
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Dufaacadii ugu horeysey ee dhamaysatay Iskuul ka Xaaxi

Post by Siciid85 »

kaliil wrote:Manshallah :up:


:up: Kalil do you know where Tulaada Cadaada is?
.
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Dufaacadii ugu horeysey ee dhamaysatay Iskuul ka Xaaxi

Post by Siciid85 »

Image
User avatar
kaliil
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5400
Joined: Thu Oct 30, 2003 7:00 pm
Location: Nin ku yidhi sinaanmayno adna diid sarayntiisa

Re: Dufaacadii ugu horeysey ee dhamaysatay Iskuul ka Xaaxi

Post by kaliil »

Siciid Cadaada waa tuulo gobolka Gaashaamo ku taala. Xuduuda ayay xoogaa ka shishaysaa oo waxa dega Gumbuur. Cadaada waa meeshii SNM shirkoodii ugu danbeeyey ee lagu go`aansaday ina wadanka lasoo galo lagu qabtay.
Anigu waxan garanwaayay oo hore u maqal meesha Cilmi Dalamiye la yidhaahdo?
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Dufaacadii ugu horeysey ee dhamaysatay Iskuul ka Xaaxi

Post by Siciid85 »

I don't know where Cilmi Dalamiye is located either i will have to double check my hawd/Oo'dweyn map. :lol: . What surprised me though the fact there is students from as far as Oog & Gorgor studying in Xaaxi.
User avatar
kaliil
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5400
Joined: Thu Oct 30, 2003 7:00 pm
Location: Nin ku yidhi sinaanmayno adna diid sarayntiisa

Re: Dufaacadii ugu horeysey ee dhamaysatay Iskuul ka Xaaxi

Post by kaliil »

Siciid iskuulka deegaanada reerku dego oo dhan baa looga yimaadaa. Ilaa Sanaag iyo ilaa kilinka 5:aad ayaa looga yimaadaa.Dhamaan 18 ardaa e Habar Yoonis arday baa u dhigata iskuulka Xaaxi.
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Dufaacadii ugu horeysey ee dhamaysatay Iskuul ka Xaaxi

Post by Siciid85 »

That is great. :up: What sub clan of H.Y is Prof.Abdisalan Yaasin?


:up:

Image
Garadag
Posts: 20
Joined: Sat Aug 14, 2010 4:59 pm

Re: Dufaacadii ugu horeysey ee dhamaysatay Iskuul ka Xaaxi

Post by Garadag »

iskuulkanu wuxu uu baahan yahay gacaan qabaajo geesinimo leh, waxay uu baahan yahiiin in lagaa taageero dhankaa dhaqaalaha.

waxan idinkaa codsanaayaa ninkastaa oo ku abtirsadaa magacaa beesha HYoonis in uu guntigaa dhiishaa iskagaa dhigo gacaanaa siiyo Iskuulka.


Cali Aadan Maxamed (OOG), :up: mansha allah
Garadag
Posts: 20
Joined: Sat Aug 14, 2010 4:59 pm

Re: Dufaacadii ugu horeysey ee dhamaysatay Iskuul ka Xaaxi

Post by Garadag »

C.raxmaan Cismaan Aadan, "ninkaa shirka furay waa Wasiirudawlihii hore ee Arrimaha debeda Somaliland, Reer Ceelafweyn"
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Dufaacadii ugu horeysey ee dhamaysatay Iskuul ka Xaaxi

Post by Siciid85 »

Garadag wrote:iskuulkanu wuxu uu baahan yahay gacaan qabaajo geesinimo leh, waxay uu baahan yahiiin in lagaa taageero dhankaa dhaqaalaha.

waxan idinkaa codsanaayaa ninkastaa oo ku abtirsadaa magacaa beesha HYoonis in uu guntigaa dhiishaa iskagaa dhigo gacaanaa siiyo Iskuulka.


Cali Aadan Maxamed (OOG), :up: mansha allah


:up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”