Somalia´s Prime Minister calls for good governance

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Coeus
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11709
Joined: Fri Nov 19, 2010 6:59 pm
Location: Assisting the Mujahideen in Galgala to free their region

Somalia´s Prime Minister calls for good governance

Post by Coeus »

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Arbaco, 05 Janaayo, 2011 (HOL) − Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo), ayaa ugu baaqay wasiirrada xukuumadda inay la yimaadaan howl wanaagsan, muddada yar ee u harsan xukuumadda.

"Shaqo dowladeed, waa wax isbadal ah. Aniga waxaan xafiiska joogayaa muddo sideed bilood ah, waxaa la yaabaa markaas kaddib inaan shaqo kale hayo, sidaas daradeed waxaan weydiisanayaan wasiirrada iyo shaqalaaha dowladda in mudada ay xilka hayaan ay la yimaadaan howlkarnimo," ayuu yiri Farmaajo oo ka hadlay xaflad xil wareejin ah oo ka dhacay xafiiskiisa.

Xafladdan, ayaa waxaa xilalka kula kala wareegayay agaasimihii hore ee xafiiska ra'iisul wasaaraha Suudi Siciid Suudi iyo agaasimaha cusub Abuukar Daahir Cismaan (Baalle), kuwaasoo iyaguna hadallo ka jeediyay goobta.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, wuxuu kula dardaarmay mas'uulka cusub ee xilka la wareegayay inuu la yimaado howlkarnimo, isagoo ka codsaday xubnaha kale ee dowladda inay la shaqeeyaan si uu u guto xilka culus ee loo dhiibay.

Mudane Siciid Suudi, oo ka hadlay goobta ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu xilka ku wareejiyo saaaxiibkiis cusub Abuukar Baalle, isagoo xusay inuu yahay mas'uul howlkar ah oo xilkan gudan kara, uuna la shaqeynayo.

Agaasimaha cusub ee xafiiska ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, oo isaguna xafladda uu xilka kula wareegay ka hadlay, ayaa sheegay inuu kaga mahadcelinayo Farmaajo sidii uu ugu dhiirrigeliyay inuu dalka kusoo laabto una shaqeeyo dalalka iyo dadka.

Ugu dambeyn, agaasimaha cusub, wuxuu sheegay inuu ku rajoweyn yahay inuu u guto howshiisa si waafaqsan sharciga dalka u dagsan, isagoo ka codsaday xubnaha kale ee dowladda inay gacan ku siiyaan sidii uu howshiisa u gudan lahaa.
User avatar
AsadSL
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2899
Joined: Sun Mar 21, 2010 2:31 am
Location: Oodweyne

Re: Somalia´s Prime Minister calls for good governance

Post by AsadSL »

The TFG cant be taken seriously. They don't even control more than 5km in the city.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”