Its affecting the whole country. Its the dry season in Somalia right now, so pray for some rain.
And despite what u might think, Al Shabaab didn't create the abaar
-----------------------------------------------------------------------------------------------------
Dad abaaraha taagan ugu geeriyooday gobolka Galgaduud ee Bartamaha dalka Soomaaliya
Talaado, 4, Jauary, 2011 (HOL) Wararka laga hellayo goballka Galgaduud gaar ahaan deegaannada hoos yimaada maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa waxaa ay sheegayaan in ay jiraan dad isugu jira haween iyo caruur u geeriyootay macaluul ka dhalatay Abaarta darran ee ka jirta goballka. islamarkaana ay jiraan dad kale oo wali la idil darran nafaqo darro.
Wariye jooga goballka Galgaduud gaar ahaan degmada Cadaado ayaa u sheegay HOL in maalmihii aynu soo dhaafnayba ay jirta qeylo dhaan ka soo baxeysay mas'uuliyiinta maamulka Ximin iyo Xeeb oo ku aadan Abaarta jirta, waxaana uu intaa ku darray in mas'uuliyiintu ay sheegeen in haddii aan laga soo gaarin dadkaasi inta bisha ka dhiman xaaladu gaari doonto meel halis ah oo aan waxba laga qaban doonin.
Cumar Max'ed Diiriye oo ka mid ah mas'uuliyiinta maamulka Ximi iyo Xeeb ayaa sheegay in dadka geeriyooday yihiin kuwo u badan xoolo dhaqato ay ka marteen duuyanadii ay dhaqanayeen sababo la xiriira Abaaraha ku dhuftay bartamaha Soomaaliya.
''Deegaannada ugu darran ee hadda laga soo qeylinayo ayaa waxaa laleeyahay waxaa ku dhibaateysan caruur iyo haween ay la soo darseen cuduro iyo dhibaatooyin kale oo ka dhashay baahida taagan ayuu yiri,'' Cumar Max'ed Diiriye.
Ma'aha oo kaliya meelaha dhibaatada Abaartu ka jirto gobolka Galgaduud ee sidoo kale waxaa ay warar soo baxaya sheegayaan in deegaanno hoos taga degmada Buula-burte caruur ugu dhinteen nafaqo darro laga dhaxlay Abaarta jirta, ilaa haddana dadkaasi ma'heystaan gurmada u aadan xaaladaha nolaleeda ee la soo darrsay.
http://hiiraan.com/news/2011/Jan/warark ... -12096.htm