
“Puntland Waxay Diyaar Utahay Isku Keenida Shacabka Colaadaha Kala Irleeyen”Gen.C/samad Cali Shire.
Garowe(Puntlandi.com);- Madaxwayne xigeenka Dawlada Puntland Gen.C/samad Cali Shire ayaa sheegay in Dawlada Puntland diyaar utahay isku keenida umada somaliyeed ee colaadaha kala irleeyeen.
Hadalkan ayuu madaxwaynu jeediyay mar uu ka hadlayay gabagabadi shir nabdeedkii ku soo idlaaday degmada Carmo waxaana uu intaa raaciyay in Dawlada soo dhawaynayso cidkastaa oo nabada ku qaadanaysa dhulka Puntland.
“Dhulka Puntland guud ahaan waa Nabada dadkii nabada carqaladaynayay waa laga guulaystay beelihiina waa heshiiyeen hada waxaana diyaar unahay heshiisiinta umada somaaliyeed ee dhibaatada ku haysato koonfurta Somaliya ayuu hadalkiisa raaciyay.
“Waxaan isku keenay Dhalinyaradii oo cayaaro ay isku bartaan uqabanay kulanwaynihii haweenka somaliyeed ayaa ka horeeyay Culimada somaliyeedna marbaan kulminay hada waxaa noo dhiman isku keenida guud ahaan somaliwayn ayuu yiri Gen.C/samad Cali Shire
Gen.C/samad ayaa sheegay in colaada dhibaato ka dhalato loona baahanyahay in nabada laqaato lagana dhabeeyo heshiisyada lakalagaaro mar uu fariin u dirayay guud ahaan dadka Puntland.

