Ciidan gaaraya ilaa boqol askari oo Booliis ah oo maanta uu u soo dhammaaday tababar.
Waxaa maanta xarunta Booliiska ee Caasimada Puntland ee Garowe lagu soo xiray tababar loo qabtay Ciidanka Booliiska Puntland kaasi oo soconayey mudo labo bilood ah,tababarkan ayaa ciidamada Booliisku waxa ay ku baranayeen sharciyada Booliiska.
Ciidamadan gaaraya boqolka askari ayaa mudadaasi labada bilood ah barayey shuruucda Booliiska saraakiil ku takhsushay cilmiga sharciyada Booliiska.
Hadaba xiritaankii tababarka Booliiska ayaa waxaa si rasmi ah u xiray Taliyaha Ciidamada Booliiska iyo Asluubta Puntland Gen/Sh,Cali Nuur.
Taliyaha ayaa ciidamada u soo jeediyey qudbad qaaya leh oo ku saabsan sida ay shaqada u qabanayaan iyo sida ay Bulshada ugu adeegayaa kuna dabiqi doona cilmiga ay barteen mudada ay halkan joogeen,taliyaha ayaa ciidanka u sheegay in ninkasta la dhaari doono isla maanta askari kastana laga rabo qof damiin ka ah ama mas�uul si hadhow haddii khalad dhaco uu u yeesho meel loo raaco.
Taliyaha ayaa sidoo kale ciidanka u sheegay in ay ka hawlgeli doonaan Caasimadda Puntland ee Garowe ayna geli doonaan roondada habeenkii.
Taliyaha ayaa sheegay in aanay cidina ka caawin tababarkan ee ay garteen iyagu ka mas�uul ahaan iyagoo metelaya Dowladda Puntland wakiilna ka ah,intii ciidamada la geyn lahaa Carmo oo ay qaadan lahayd mudo inta la baryootamayo ama cid kale wax la weydiisanayo waxaa haboon in ay mas�uuliyiintu xil isa saarto si ay wax u qabsan karto keligeedna waana tan haatan muuqata iyadoo ay nagu garabgaleen Madaxda sare ee Puntland.
Taliye Cali Nuur ayaa ciidanka kula dardaarmay sidii ay shaqadooda u gudan lahaayeen kuna dabaqi lahaayeen sharciyada iyo cilmiga ay barteen.
Xiritaankan tababarka ayaa waxaa ka soo qaybgalay madax sare oo ka mid ah xafiiska Madaxweynaha iyo saraakiisha sare sare ee Booliiska.
Tababarkan ayaa ah noocii ugu horreeyey ee lagu qabto caasimada Puntland ee Garowe tan iyo intii ay jirtay Puntland/