Isbitaalka Degmada Buurtinle Kaalmo Caafimaad ka socoto

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Isbitaalka Degmada Buurtinle Kaalmo Caafimaad ka socoto

Post by FBISOMALIA »

Image
Buurtinle: Isbitaalka degmada Buurtinle ee Gobalka Nugaal ayaa maalintii saddexaad waxaa ka socda Kaalmo Caafimaad oo ay fulinayaan dhakhaatiir ajaanib iyo soomaali isugu jirta kuwaas oo deegaankaas u tagay sidii ay dhanka caafimaadka uga caawin lahaayeen dadka deegaanka Buurtinle.

Dhakhaatiirta halkaas hawlaha caafimaad ka wada ayaa ah 5 dhakhtar oo labo ka mid ahi ay tahay ajaanid u kala dhalatey MASAR iyo UZPAKISTAN waxayna kala qaabilsan yihiin cudurada haweenka iyo cudurada dhagaha, Sanka iyo Cunaha (ENT) dhakhaatiirta Somaalida ah oo ah saddex dhakhtar ayaa iyaguna qaabilsan cudurada guud.

Dhakhaatiirtan ayaa waxaa la shaqeynaya xubno ka tirsan wasaaradda caafimaadka iyo shaqaalaha Isbitaalka guud ee Gaalkacyo qaarkood kuwaas oo ka qaybqaadanaya kaalmada caafimaad ee ka socota Isbitaalka Buurtinle. saddexda maalmood ee ay dhakhaatiirtu hawsha ku jiraan ayay waxay qaabileen in ka badan 400 oo qof kuwaas oo xanuuno kala duwan qaba. waxaana dhakhaatiirtu ay u dirayeen bukaanada qaliinka u baahan Isbitaalka guud ee Gaalkaco maadaama Isbitaalka Buurtinle uu yahay mid cusub oo aan dhamaystirnayn isla markaaasna aan lahayn saalada qaliinka, dadka Gaalkacyo loo direy waxaa ka mid ah haweenay laga keenay baadiyaha Buurtinle taas oo uur leh ilmihiina uu uurka ku dhintey todobaad ka hor sida dhakhtarka cudurada haweenku sheegay, haweenaydan oo aad u liidatay xaaladeeduna ahayd khatar ayaa deg deg loogu qaadey Gaalkacyo si looga soo saaro ilmaha maydka ah ee uurkeeda ku jira.

Maxamed Yuusuf Jaamac oo ka mid ah hawlwadeenada Isbitaalka degmada Buurtinle ayaa sheegay in hawsha caafimaad ee Buurtinle ka socota ay tahay mid ay dadka deegaanku aad ugu riyaaqeen ayna soo dhaweeyeen iyadoo wasaardda caafimaadkana ku amaaney ugana mahadceliyey dadaalka dheer ee ay ugu jirto inay dadkeeda samatabixiso.

Maxamed Yuusuf waxa uu intaas ku darey in la diiwaan galiyey 1200 oo qof kuwaas oo isaga kala yimid Buurtinle iyo 23 tuulo oo hoosyimaada, waxayna dhakhaatiirtu hawsha caafimaadka ee Buurtine wadayaan todobaadkan iyagoo rajaynaya inay dhamaystiraan dadka sugaya ee la diiwaangaliyey.

Dadka ka faa'idaystey kaalmadan caafimaad waxaa ka mid ah ganacsato reer Buurtinle ah kuwaas oo horey u diiday inay ka qaybqaataan dhismaha Isbitaalka Buurtinle kaasi oo lagu dhisay iskaa wax u qabso iyadoo laga soo aruurshey tuulooyinka ku dhawaad 1000 neef oo xoolo ah, dadkii diiday inay ka qaybqaataan ee riyada u qabay in Isbitaal Buurtinle loo dhisayo ayaa haweenkoodii iyo caruurtoodii keenay Isbitaalka oo ay hawlo caafimaad ka socdaan dadkaas ayay waji gabax ku noqotey inay Isbitaalka tagaan sababtoo ah waxay horey u diideen inay ka qaybqaataan dhaqaalaha Isbitaalka lagu dhisayo, hada oo ay faa'ido ka heleen Isbitaalkii ay wax ka dhisi waayeen ayay waxay balan qaadeen inay dhaqaalaha hada wax ka bixinayaan wixii horey u dhacayna ay qornaayeen. Isbitaalka xiligan waxaa ka socda dhisme baaxad leh oo waxaa la dhamaytirayaa qaybo Isbitaalka ka mid ah, dadweynaha Buurtinle ayaa siweyn ugu bogaadiyey dadkii keenay fikirkii lagu dhisay Isbitaalka Buurtinle iyo kaalinta Wasaaradda caafimaadka oo dhiiri galin weyn siisay dhalinyaradii iyo ganacsatadii isku hawshey inay dhisaan Isbitaal ay Buurtinle yeelato kaas oo hada isaga oo qabyo ah mirihiisii maantey ay guranayaan shacabka Buurtinle.

Qorshaha dhakhaatiirtan lagu keenay waxaa iska lahayd wasaaradda caafimaadka dawlada Puntland, waxaana labada dhakhtar ee ajaanibta ahi ay ka hawlgalayeen Isbitaalka guud ee Degmada Qardho ee Gobalka Karkaar, waxaana qorshani uu ka dhashey kadib markii ay bishii October dalka yimaadeen dhakhatiir Turky ah kuwaas oo dalka ka fuliyey hawlgalkii ugu balaarnaa ee dhanka caafimadka ee dhakhaatiir ajaanib ahi ay fuliso, waxaa dhakhaatiirtaas qayb ka ahaa Prof.

Maxamed Jaamac Salaad kaasi oo markii ay dhakhatirta Turky dhoofeen dib ugu soo noqdey Qardho 24 saacna ka shaqeeyey, waxaa markaas bilawdey fikir ah in dhakhaatirta Puntland jooga in laga faa'idaysto oo dhakhtar walba uu ka shaqeeyo ugu yaraan todobaad Gobalka uu joogo maahane gobol kale tusaale ahaan marka Prof. Maxamed Jaamac oo Gaalkacyo ka shaqeeya uu hawlo caafimaad ka fuliyo Qardho in dhakhaatiirta qardho ee aan Gaalkacyo takhasuskooda laga helin inay iyaguna Gaalkacyo tagaan oo ay ka shaqeeyaan.Qorshahana halkaas ayuu ka soo bilawdey waxayna dhakhaatiirtani tagi doonaan Isbitaalka guud ee Gaalkacyo halkaas oo ay ka hawlgali doonaan.

Todobaadkii hore labada dhakhtar ee ajaanibta ah waxay ka hawlgaleen Isbitaalka guud ee Garowe halkaas oo ay ku qaabileen bukaano aad u faro badan oo gaaraya 400, waxaana bukaanada qaliin lagu sameeyey 14 ka mid ah oo labo ay tahay cudurada haweenka ee wareega ku dhaca halka 12 ka kalena ay ahaayeen qaliimo Dhagaha iyo Sanka ah, waxaana ku bogsadey dad dhagaha beelay oo hada wax maqlaya markii qaliin lagu sameeyey.


Cabdulqaadir Warsame Yuusuf
Wasaaradda Caafimaadka Puntland
some pictures

Image

Image

Image
User avatar
jamols2
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 596
Joined: Tue Feb 24, 2009 9:31 am

Re: Isbitaalka Degmada Buurtinle Kaalmo Caafimaad ka socoto

Post by jamols2 »

wax lagufarxo waye masha allah :up: :dj: :som:
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: Isbitaalka Degmada Buurtinle Kaalmo Caafimaad ka socoto

Post by FBISOMALIA »

jamols2 wrote:wax lagufarxo waye masha allah :up: :dj: :som:
:dj: :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”