Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) waxa uu maanta Go’aanka ka soo saaray Arrintii Kalshaale ka dhacday, waxaanu Madaxweynuhu Go,aankaa ku yidhi.
Arrinta Kalshaale ka dhacday waa arrin labo beelood oo Somaliland ah u dhaxaysay, Dilalka ka dhacayna aad iyo aad ayaan uga xumahay dadkii ku dhintayna illaahay naxariistii janno ayaan uga baryayaa, Ehlladoodii iyo dhamaan Qaranka Somaliland waan uga tacsiyadaynayaa.
Markii arrintani dhacday Dawlad-ahaan waxaanu qaadnay talaabadii ku haboonayd, isla markiiba waxaanu kala dhexdhignay cutubyo ka tirsan ciidanka Qaranka JSL si ay u kala caabiyaan Malayshiyaadka labada beelood nabadana u sugaan, isla markiiba waxaanu u diray guddi dhexdhexaadineed oo ka kooban Xukuumadda, Golayaasha, Xisbiyada, Madaxdhaqmeedyo, iyo Culima-awdiin.
Anigoo tixraacaya xukunkii ay soo saareen guddigii dhexdhexaadka ahaa ee ka garsooray arrintan.
Anigoo maanka ku haya ahmiyaddda nabadgelyadu Qarankan u leedahay iyo jidkii dheeraa ee loosoo maray.
Anigoo fulinaya Masuuliyadayda iyo waajibaadka Dastuuriga ah ee isaaran waxaan go’aamiyay: -
1. In Goobaha shaqaaqadu ka dhacday iyo deegaanka lagu muransanyahay in maanta laga bilaabo ay ahaato fadhiisin ciidanka Qaranku leeyahay oo ka caagan dhisme iyo qodaal balse ay labada beelood wada daaqikaraan, wixii hanti ka gashay labada dhinacna dawlada ayaa u celinaysa cidii lahayd.
2. Dhimashadii, Dhaawicii iyo Hantidii ku luntay shaqaaqadii dhexmartay labada beelood waxaa dawladu u raacayaa una fulinayaa sidii ay ku xukuntay guddigii garsoorka ahayd.
3. Waxaan labada dhinacba farayaa inay kala baxaan ciidamadooda Kalshaale, Maygaagle iyo Hagoogane iyadoo aan laga ogolaandoonin ciidamo beeleed abaabulan, waxaa keliya oo ka hawlgelikara ciidamada Qaranka JSL.
5. Waxaan mar labaad baaq iyo Gogol nabadeed usoo jeedinayaa beelaha Buuhoodle, Sool iyo Sanaag Bari.
Waxaan mahad ballaadhan usoo jeedinayaa: -
a) Ciidamada Qaranka dadaalkii iyo dhabar adaygii ay sameeyeen,
b) Guddigii dhexdhexaadka ahaa oo si hufnaan iyo cadaalad leh uga garqaaday mashaqadii dhexmartay labada beelood,
c) Xubnihii dawlada iyo xisbiyada ee halkaa sida fiican uga soo shaqeeyay.
President Siilaanyo Makes Decision on Kalshaale Issue
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 9 Replies
- 1221 Views
-
Last post by PRinCeS_LicK
-
- 38 Replies
- 2584 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 0 Replies
- 353 Views
-
Last post by Knight of Wisdom
-
- 1 Replies
- 294 Views
-
Last post by HooBariiska
-
- 8 Replies
- 577 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 1 Replies
- 263 Views
-
Last post by OAF
-
- 15 Replies
- 992 Views
-
Last post by Inaayah8
-
- 17 Replies
- 1543 Views
-
Last post by Goljano Lion
-
- 15 Replies
- 1607 Views
-
Last post by Mondey
-
- 4 Replies
- 525 Views
-
Last post by Cali_Gaab