

Taliyaha guud ee ciidmada Booliska,nabadgelyada iyo asluubta Puntland S/guuto Cali Nuur Cumar Saalax oo la hadlaayey Horseed Media ayaa sheegay in ay qaadeen talaabo ay ku doonayaan in ay dib u habayn ugu sameeyaan ciidanka Booliska Puntland.
Wuxuu intaasi ku daray in tababar ay magaalada Garoowe ugu soo xireen qaar kamid ah ciidanka Booliska Puntland isla markaasina kuwa kale ay tababar u fureen.
Mudane Cali Nuur ayaa hoosta ka xariiqay in ay go’aan ku gaareen in ay saxaan wixii ka khaldan ciidanka Booliska Puntland.
…”Askariga waa in la baro wuxuu yahay iyo wuxuu qabanayo ka dibna lagu seexdo…”ayuu yiri.
Ugu danbeeyntii ayuu bulshada Puntland ka dalbaday in ay gacan siiyaan laamaha qaabilsan amaanka Puntland.
8.1.2010 ayey ahayd markii Taliyaha ciidanka Booliska nabadgelyada iyo dhaqan celinta Puntland uu isku shaandheyn ku sameeyey Taliyaasha Booliska gobollada Puntland taariikhda markii ugu horeysay.
Abdiqani Abdillaahi Abdi
Horseed Media