Wararka ka imaanaya maagalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubada hoose ayaa waxaa ay ku waramayaan in galabta fagaaro ku yaala magaaladaasi, ciidamo ka tirsan Xarakada Al Shabaab oo ay wehliyaan Saraakiil ay xukun gacan goyn ah ku fuliyeen wiil dhalinyaro ah oo ay ku eedeeyeen falal tuugonimo.
Fagaaraha xukunka uu ka dhacay ayaa waxaa lasoo istaajiyay 4-dhalinyaro ah oo saraakiisha Shabaab ay ku eedeeyeen inay qaateen qori AK-47, kun dollar iyo 2-Milyan oo shlin Soomaali ah, waxaana saraakiisha Shaabab ay shegeen in galabta xukun gacan goyn ah ay ku fuliyeen C/raxmaan Max’uud Cali oo da’diisu lagu sheegay 20-jir kaasi oo lagu eedeeyay in uu Mas’uul ka ahaa hantida la qaatay.
Taliyaha ciidamada Al Shabaab ee magaalada Kismaayo Xasan Nuur Xasan Cade oo ka hadlay goobta uu xukunka ka dhacay ayaa sheegay in xukun gacan goyn ah ay ku fuliyeen C/raxmaan Max’uud Cali, isagoo intaasi ku daray in maalmaha soo socda sidoo kale ay xukun gacan goyn ah ku samayn doonaan 3-eedeysane oo maanta wax xukun ah lagu fulin.
Goobta uu xukunka ka dhacay ayaa waxaa soo buuxdhaafiyay dad wayne aad u farabadan kuwaasi oo daawanayay sida xukunka ay fulanayeen, waxaana galabta gacanta midig ay ciidamda Al Shabab ka jareen wiilkaasi dhalinyarada ah oo ay ku eedeeyeen in uu qaatay hanti taalay mid ka mid ah goobo ganacsi oo ku yaala magaaladaasi.
Magaalada Kismaayo iyo magaalooyinka kale oo ay Al Shabaab gacanta ku hayaan, Jimco kasta waxaa ka dhaca xukuno ay Al Shabaab fuliyan kuwaasi oo gacan iyo luga looga jaro dad ay ku eedeeyaan falal ka dhan ah shareecada Islaamka.


