Guddida DhaqaalahaWakiilada Oo Barito La Hor Gaynayo Miisaaniyada 2011-Ka Iyo Meelaha Wasiirka Maaliyadu Mudnaanta Siiyay
Hargeysa, January 14, 2011 (Haatuf)- Guddida dhaqaalaha golaha wakiilada Somaliland ayaa Sabtida barito nashqad ku samayn doona odoroska Miisaaniyada cusub ee 2011-ka, halkaasoo Wasiirka Maaliyada Eng. Maxamed Xaashi Cilmi uu hor dhigi doono guddidaasi loogu soo horaysiiyo Miisaaniyada, halka xukuumaddii hore ee madaxweyne Rayaale marka golaha Wasiiradu soo ansixiyaan ay u soo gudbin jirtay Miisaaniyada golaha wakiilada.
Sidaa waxa noo cadeeyay Wasiirka Maaliyada Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo shalay aanu xoog waraysi kala yeelanay Miisaaniyada 2011-ka, oo noo xaqiijiyay in maalinta barito ee Sabtida uu hor geyn doono Miisaaniyada guddida dhaqaalaha wakiilada oo uu sheegay inay naaqishaad ku samayn doonaan, ku talo galka Miisaaniyad sanadeedka, Axada ama Isniinta uu hor gayn doono golaha Wasiirada si loo ansixiyo.
Wasiirka Maaliyada Eng. Maxamed Xaashi waxa uu noo sheegay in ku tala galka Miisaaniyada 2011-ka ay ahmiyada siinayaan, arrimaha Bulshada, sida Biyaha, Waxbarashada, Caafimaadka, Beeraha, Xanaanada Xoolaha iyo Mushahar kordhinta shaqaalah iyo ciidamada oo uu cadeeyay in bishan January 2011-ka ay bilaabayaan, Mushahar kordhin gaadhaysa shaqaalaha iyo ciidamada.Miisaaniyada ayaa marka ay golaha Wasiiradu soo ansixiyaan, Wasiirka Maaliyadu hor keeni doonaa golaha wakiilada si uu sharaxaad uga bixiyo odoroskeeda iyo waxyaabaha ay xambaarsan tahay.
Somaliland budget 2011 Thread
Moderator: Moderators
- The_Emperior5
- SomaliNet Super

- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 955 Views
-
Last post by Barkhadd
-
- 0 Replies
- 660 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 10 Replies
- 1178 Views
-
Last post by Navy9
-
- 33 Replies
- 2852 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 9 Replies
- 2318 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 1 Replies
- 672 Views
-
Last post by Sakhraan
-
- 3 Replies
- 661 Views
-
Last post by Ceelafweyn
-
- 14 Replies
- 1512 Views
-
Last post by CismanMaxamud1
-
- 22 Replies
- 2358 Views
-
Last post by Aseelah-Raaida
-
- 7 Replies
- 1497 Views
-
Last post by AbdiJohnson