130 students graduate in Cabdalla Caazim Muqdisho

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
grandpakhalif
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30687
Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
Location: Darul Kufr
Contact:

130 students graduate in Cabdalla Caazim Muqdisho

Post by grandpakhalif »

Munaasabad qalan jibin ah ayaa loo sameeyay arday gaaraysa 130 arday kuwaasi oo noqon doono Ducaad faafisa shareecada Islaamka ayaa shalay ka dhacday Masjidka daqabaqaynka Degmada Yaaqshiid Wilaayada Banaadir.



Ardaydan Ducaada waxa ay ka soo qalin jabiyay Machadka Cabdalla Cazaam ee barashada diinta Islaamka halkaasi oo ay ku qaateen casharo diini ah mudo 7 bilood ah oo dowradan ay u socatay iyagoo ku bartay Kitaabo asaasi oo isugu jira qybah akala duwan ee Funuunta Cilmiga.





Munaasabadda gilinkii dambe ee shalay ka dhacday Masjidka Dabaqaynka waxaa goob joog ka ahaa Masuuliyiin katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo uu kamid yahay Afhayeenka Xarakadda Sheekh Cali Caxamuud Raage Sh Cali Dheere.



Munaasabadda hadal ka jeediyay Sh Abuu Yaasir oo ku hadlay magaca macalimiintii bixinaysay casharada ay ardayda qaateen , wuxuuna sheegay in ardaydan ay qaateen duruus kala duwan oo ka kooban qybaha cilmiga ee uu bixiyo Machadka Cabdala Cazaam.



Waxaana intaasi uu ku daray in ardaydan qalinjabisay ay gaarayaan 130 arday kuwaasi oo muddo 7-bilood ah ku bartay csharo la xiriira faafinta diinta islaamka.



Ku dhowaad 20 kitaab oo laga soo qaaday qeybaha kala duwan ee Culuumta Islaamka sida Caqiidada Fiqhiga, Xadiithka iyo Siirada ayaa lagu baray ardaydan mudadii ay socatay dowradan diiniga ah, waxaana hadda iyo wixii ka dambeeya ay noqon doonaan ducaad dadka ugu yeerta diinta Islaamka islamarkaana faafiya diinta.



Afhayeenka xarakada mujaahidiinta Al-Shabab Sheekh Cali Dheere ayaa hadal uu ka jeediyay munaasabadaasi ku sheegay in Mujaahidiinta ay ka go’antahay in si wadajir ay u difaacaan diinta Islaamka islamarkaana ay isla socdaan kitaabkaAalle iyo seefta lagu digaacayo, wuxuuna intaasi ku daray in kitaanka aan lagu dhaqmi Karin hadii aysan jirin hadii aysan jirin Mujaahidiinta difaacda xadgudub kasta oo gaalada ay doonayaan

Image

Image

Sheikha ayaa ku amaanay ardaydan qalin jabisay dadaalkooda iyo sida ay ugu dhanbar adeegeen barashada diintooda, wuxuuna ka codsaday in ay fidiyaan waxyaabihii ay barteen islamarkana ay gaarsiiyaan bulshada inteeda kale.



Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa tan iyo markii ay la wareegeen gacan ku haynta intabadan Wilaayaaka iyo Magaalada Muqdisho, waxay hirgaliyeen Maraakiz lagu barto diinta Islaamka.

Image
Image

Image

Image
Image
Image
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”