[youtube]T_Fwz8inOnM&feature=player_embedded[/youtube]
Oday Dhaqmeedyada, Waxgaradka, Cuqaasha, Aqoonyahanada Iyo Dhalinyarada Deegaanada Lughaya Oo Ku Tilmaamay Maangaabnimo In Lagu Caleemsaaro Nin Aan Kasoo Jeedin Deegaanka Lughaya
Posted in January 17th, 2011 by lug in News
Mudooyinkii hore waxaan dhawraynay nabada wada dhalashada hadii ay garan waayeen nabada lagu wada daaqayo maanta laga bilaabo lawada daaqi maayo oo waxaa uu noqon dhul dadleeyahay….” Caaqil Muuse Ceelaabe
“Ninka sheeganaya in lagu caleemo saarayo Lughaya, waxaan leeyahay miyaanad ahayn kii shalay noo ahaa maxbuuska ee gacantayada ku jiray…” Caaqil Muuse Carab Dugsiiye.
Boorama-(Lug)-Oday dhaqmeedyada, Waxgaradka, Aqoonyahanada, duqayda degaanada Lughaya ayaa manta ku qabtay shirjaraa id oo ay kaga hadleen suldaan dhawaan lagu doonayay in lagu caleemo saaro degmada lughaya suldaan aan kasoo jeedin deegaanadaasi kuna tilmaamay wax riyo ah oo aysan cidii garaadlihi aysan ku fikiri lahayn.
Cuqaasha waxgaradka oday dhaqmeedyada iyo dhalinyarada deegaanada lugahaya ayaa iyagu kasoo jeediyay hadalo kulul kuna canbaareeyay hawlgabnimo cidwalba oo ay qusayso sida wasaarada arimaha gudaha waxaanay ugu baaqeen inay gudato waajibeedkeensi.
Maaha kaliya arimaha ay san ka gam aynin dawladnimada ay ilaalinta nabadii lagu heshiiyay sanadkii 1991kii ee ay dadwaynaha reer awdal gogolxaadhka ay lahaayeen aanan ahayna wax marnaba laga idho saabto waxaanay kudheeraadeen qiimaha ay leedahay nabadu waa sida ay hadalka u dhigeene uqaasha waxgaradka aqoon yahanad iyo dhalinyada deegaanada lughaya oo manta shir jaraa’id ku qabtay magaalada boorama gaar ahaan hotel harawo.
Hadaba shirkani jaraa’id ee ay ku qabteen dadwaynaha deegaanada lughaya ayaa ugu horaan ka hadlay Barkhad Cumar X Khayre oo ku dheeraaday ahmiyada ay Awdal u leedahay guud ahaanba dalka waxaanu sheegay inay yihiin umada u badheedhay rabshado aanay dadku isu wada jirin waxaanan leeyahay ayuu
“Waa lawada og yahay waxaa lagu wada fadhiyaa caw oo ninba nin ayuu la daris yahay waxaan leeyahay nin walbaaba haka ilaasho dhankiisa” .
Sidoo kale waxaa ka hadlay Caaqil Muuse Ceelaabe Abaar waxaana ka mid ahaa hadaladiisii “Mudooyinkii hore waxaan dhawraynay nabada wada dhalashada hadii ay garan waayeen nabada lagu wada daaqayo maanta laga bilaabo lawada daaqi mayo oo waxaa uu noqon dhul dadleeyahay oo anagaba naguma filna waxaanad ugu soo hagaagtaan dhuldadleeyahay sidaan sheegay”
Sidoo kale waxaa ka hadlay Caaqil Muuse Carab Dugsiiye oo beeniyay in dhawaaq kasoo baxay ayuu yidhi xildhibaano lagu khasaaray waa sida hadalka uu u dhigaye in lagu caleemo saaray suldaan udhashay deegaanada arabsiyo doonayeena in lagu caleemosaaro deegaanka lughaya waxaana ka mid hadaladiisii “Waxaan leeyahay ninwalbaaba waaxaa uu dagaa meel oo dadku waa ay wada dagaan oo hadii aan doonayo in aan is calmeem saaro waxaan isu caleemo saari deegaanadayda oo ah lughaya ee tagi mayo deegaanada hargaysa iyo burco ninka sheeganaya in lughaya lagu caleemo saarana waxaan leeyahay miyaanad ahayn kii shalay noo ahaa maxbuuska ee gacantayada ku jiray anaga oo aan wax aan ku gaysano dhaafe kuu daynay waxyaabihii aad wadatay oo dhan anaga oo awood u lahayn inaan ku fara saaro waxaan dhawraynay wada dhalasho ee bal manta soo noqo”
Beesha Lughaya oo shir ku qabtay Lughaya send warning
Moderator: Moderators
- RuralMan08
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4512
- Joined: Thu Sep 10, 2009 8:45 am
- Location: His Royal Majesty
-
- SomaliNet Super
- Posts: 5229
- Joined: Fri May 25, 2007 6:39 pm
Re: Beesha Lughaya oo shir ku qabtay Lughaya send warning
mohamed casseh waxbaa maa sheegayoo!!
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 978 Views
-
Last post by AwdalPrince
-
- 116 Replies
- 7644 Views
-
Last post by Djiboutian
-
- 37 Replies
- 3171 Views
-
Last post by MarsinQorahay
-
- 5 Replies
- 924 Views
-
Last post by djibsomali
-
- 1 Replies
- 949 Views
-
Last post by BigBreak
-
- 17 Replies
- 1726 Views
-
Last post by RuralMan08
-
- 7 Replies
- 1226 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 0 Replies
- 705 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 15 Replies
- 2068 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 5 Replies
- 1897 Views
-
Last post by AbuDujanah