[youtube]T_Fwz8inOnM&feature=player_embedded[/youtube]
Oday Dhaqmeedyada, Waxgaradka, Cuqaasha, Aqoonyahanada Iyo Dhalinyarada Deegaanada Lughaya Oo Ku Tilmaamay Maangaabnimo In Lagu Caleemsaaro Nin Aan Kasoo Jeedin Deegaanka Lughaya
Posted in January 17th, 2011 by lug in News
Mudooyinkii hore waxaan dhawraynay nabada  wada dhalashada  hadii ay garan waayeen nabada lagu wada daaqayo  maanta laga bilaabo lawada daaqi maayo oo waxaa uu noqon dhul dadleeyahay….” Caaqil Muuse  Ceelaabe
“Ninka sheeganaya in lagu caleemo saarayo Lughaya, waxaan leeyahay miyaanad ahayn  kii shalay noo ahaa maxbuuska   ee gacantayada ku jiray…”  Caaqil Muuse Carab Dugsiiye.
Boorama-(Lug)-Oday dhaqmeedyada, Waxgaradka, Aqoonyahanada, duqayda  degaanada Lughaya ayaa manta ku  qabtay shirjaraa id oo ay kaga hadleen  suldaan dhawaan lagu doonayay in lagu caleemo saaro degmada lughaya  suldaan aan kasoo jeedin deegaanadaasi  kuna tilmaamay wax riyo ah oo aysan cidii garaadlihi aysan ku fikiri lahayn.
Cuqaasha waxgaradka oday dhaqmeedyada iyo dhalinyarada  deegaanada lugahaya ayaa iyagu kasoo jeediyay  hadalo kulul kuna canbaareeyay  hawlgabnimo cidwalba oo ay qusayso sida wasaarada arimaha gudaha  waxaanay ugu baaqeen inay gudato waajibeedkeensi.
 
Maaha kaliya arimaha ay san ka gam aynin dawladnimada  ay ilaalinta nabadii lagu heshiiyay  sanadkii 1991kii ee ay dadwaynaha reer awdal gogolxaadhka ay lahaayeen aanan ahayna wax marnaba laga idho saabto  waxaanay  kudheeraadeen qiimaha ay leedahay nabadu waa sida ay hadalka u dhigeene  uqaasha waxgaradka aqoon yahanad iyo dhalinyada deegaanada lughaya oo manta shir jaraa’id ku qabtay magaalada boorama gaar ahaan hotel harawo. 
Hadaba shirkani jaraa’id ee ay ku qabteen dadwaynaha deegaanada lughaya   ayaa ugu horaan ka hadlay Barkhad  Cumar X Khayre  oo ku dheeraaday ahmiyada ay Awdal u leedahay guud ahaanba dalka waxaanu sheegay inay yihiin umada u badheedhay  rabshado   aanay dadku isu wada jirin waxaanan leeyahay ayuu
“Waa lawada og yahay waxaa lagu wada fadhiyaa caw oo ninba nin ayuu la daris yahay waxaan leeyahay  nin walbaaba haka ilaasho dhankiisa” .  
Sidoo kale waxaa ka hadlay  Caaqil Muuse  Ceelaabe  Abaar waxaana ka mid ahaa hadaladiisii “Mudooyinkii hore waxaan dhawraynay nabada  wada dhalashada  hadii ay garan waayeen nabada lagu wada daaqayo  maanta laga bilaabo lawada daaqi mayo oo waxaa uu noqon dhul dadleeyahay oo anagaba  naguma filna   waxaanad ugu soo hagaagtaan  dhuldadleeyahay sidaan sheegay”
 
 
Sidoo kale waxaa ka hadlay Caaqil Muuse Carab Dugsiiye oo beeniyay in dhawaaq kasoo baxay ayuu yidhi xildhibaano  lagu khasaaray waa sida hadalka uu u dhigaye  in lagu caleemo saaray suldaan  udhashay  deegaanada arabsiyo  doonayeena  in lagu caleemosaaro  deegaanka lughaya waxaana ka mid hadaladiisii  “Waxaan leeyahay ninwalbaaba waaxaa uu dagaa  meel oo dadku waa ay wada dagaan oo hadii aan doonayo in aan  is calmeem saaro  waxaan isu caleemo saari deegaanadayda oo ah lughaya  ee tagi mayo deegaanada  hargaysa iyo burco  ninka sheeganaya in lughaya lagu caleemo saarana waxaan leeyahay miyaanad ahayn  kii shalay noo ahaa maxbuuska   ee gacantayada ku jiray   anaga oo aan   wax aan ku gaysano dhaafe  kuu daynay  waxyaabihii aad wadatay oo dhan anaga oo awood u lahayn inaan ku fara saaro waxaan dhawraynay wada dhalasho ee bal manta soo noqo”
			
			
									
																
						Beesha Lughaya oo shir ku qabtay Lughaya send warning
Moderator: Moderators
- RuralMan08
 - SomaliNet Heavyweight

 - Posts: 4512
 - Joined: Thu Sep 10, 2009 8:45 am
 - Location: His Royal Majesty
 
- 
				djibsomali
 - SomaliNet Super

 - Posts: 5229
 - Joined: Fri May 25, 2007 6:39 pm
 
Re: Beesha Lughaya oo shir ku qabtay Lughaya send warning
mohamed casseh waxbaa maa sheegayoo!!
			
			
									
																
						- 
					
- Similar Topics
 - Replies
 - Views
 - Last post
 
 
- 
						
- 0 Replies
 - 1059 Views
 - 
								Last post by AwdalPrince																			
											
										
																		
 
 - 
						
- 116 Replies
 - 7953 Views
 - 
								Last post by Djiboutian																			
											
										
																		
 
 - 
						
- 37 Replies
 - 3268 Views
 - 
								Last post by MarsinQorahay																			
											
										
																		
 
 - 
						
- 5 Replies
 - 975 Views
 - 
								Last post by djibsomali																			
											
										
																		
 
 - 
						
- 1 Replies
 - 997 Views
 - 
								Last post by BigBreak																			
											
										
																		
 
 - 
						
- 17 Replies
 - 1834 Views
 - 
								Last post by RuralMan08																			
											
										
																		
 
 - 
						
- 7 Replies
 - 1271 Views
 - 
								Last post by Khalid Ali																			
											
										
																		
 
 - 
						
- 0 Replies
 - 723 Views
 - 
								Last post by Siciid85																			
											
										
																		
 
 - 
						
- 15 Replies
 - 2184 Views
 - 
								Last post by The_Emperior5																			
											
										
																		
 
 - 
						
- 5 Replies
 - 2019 Views
 - 
								Last post by AbuDujanah