Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxman Maxamad Maxamud "Farole" iyo xubno ka tirsan Xukumadiisa ayaa booqasho ku tagey maalintii Jimcihii 14.01.2011 tuulada Buurawadal iyo degaanka Faleeryaale oo 40km dhinaca Galbeed ka beegan magaalo madaxda Garowe.
Madaxweynaha Puntland oo u kuurgalayey xaalada wadada isku xirta magaalada Garowe iyo Laascaano ayaa sidoo kale furey matoor la saarey ceel biyood ku yaala tuulada Buurawadal halkaasoo dhinaca kale uu furey ceel laga qodey degaankaas.
Wadada isku xirta magaalo madaxda Puntland ee Garowe iyo magaalada Laascaano ayaa u bahaan in qaybo ka tirsan lagu sameeyo dayactir iyadoo safarkaan Madaxweynaha Puntland ay ku weheliyeen Wasiirka howlaha guud Daahir Khaliif iyo saraakil ka tirsan hay'ada jidadka NESHA.
Wadadaan ayaa la filayaa in dayactir lagu sameeyo inta uusan bilaaban xiliga roobka Guga.

Sidoo kale Madaxweyne Cabdiraxman Farole ayaa kulan la qaatey dadka dagan Buurawadal isagoo u sheegey in sahlan tahay in ceelal la qodi karo biyahana ka dhow yihiin degaanada Nugaal iyadoo uu sheegey in ceelkaan ugu horeeya isagu qodey.

Madaxweynaha Puntland, kuxigeenkiisa Cabdisamada & Taliyaha ciidamada Daraawiishta siciid dheere
Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Farole , kuxigeenkiisa Cabdisamad Cali Shire, Taliyaha ciidamada Daraawiishta Puntland iyo Wasiiro ayaa booqasho ku tagey xerada ciidamada 54aad oo ku taal duleedka magaalo madaxda Garowe.

Madaxweynaha Puntland ayaa halkaas kula shirey saraakiisha taliska Darawiishta halkaas u kuurgaley xaalada ciidamada.
Ciidamada Daraawiishta ayaa dhowaan cagta mariyey kooxo tageersan ururka AL-shabaab kuwasoo ku dhuumaaleysan jirey buuraha Golis oo ku yaala gobolka Bari.