
Gaalkacyo (RBC Radio):- Wasaarada Waxbarashada dowladda Puntland ee Soomaaliyeed ayaa maanta deeq gaarsiisay dugsiga hoose/dhexe ee Puntland oo ku yaala magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Wasaarada Waxbarashada ayaa deeqdani ay gaarsiisay dugsiga hoose/dhexe ee Puntland waxaa ay ka koobneyd raashin sida Digir, Bariis iyo Saliid, dhar sida bustaha dhaxanta laga hagoogto iyo saabuunta nooca dharka lagu meyrto.
Barnaamijkani deeqda ah ayaa Wasaarada Waxbarashada Puntland waxaa gacan ka siiyey hay’ada Qaramada Midoobay ee UNICEF, waxaana loogu talo galay in ay ka faa’ideystaan dadka danyarta ah ee isugu jira barakacayaal, agoon iyo dadka aan waxba heysan.
Deeqda maanta la gaarsiiyay dugsiga hoose/dhexe ee Puntland ayaa waxaa loogu talo galay in ay ka faa’ideystaan waalidiinta 40 ardey oo dugsigaasi wax ka barta, waxaana waalidiinta mid kasta oo ka mid ah uu qaatey 25kg oo digir ah, 25kg oo bariis ah, hal caag oo saliid ah, hal buste ah iyo lix xabo oo saabuunta dharka lagu dhaqo ah.
Qeybinta deeqdani ayaa waxaa waday oo labadii maalmood ee la soo dhaafey ku howlanaa Saraakiil ka socota Wasaarada Waxbarashada Dowladda Puntland waxaana ka mid ahaa Aamino Axmed Jaamac oo ka tirsan Wasaarada xafiiskeeda gobolka Mudug.
Ma aha deeqdani tii ugu horeysay ee Wasaarada waxbarashada Puntland ay gaarsiiso ardey tabaaleysan, waxaa maalintii shalay ahayd deeqdani oo kale looga faa’ideeyay ardeyda wax ka barata dugsiga hoose/dhexe ee Tawakal, iyadoo maalinta berito ahna deeqdani mid la mid ah la geyn doono dugsiga hoose/dhexe ee Peace Two
