Shabaabka Kismaayo oo saldhigweyn ka sameeyey Dhoobley

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

grandpakhalif
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30687
Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
Location: Darul Kufr
Contact:

Shabaabka Kismaayo oo saldhigweyn ka sameeyey Dhoobley

Post by grandpakhalif »

Kismaayo:(Sh. M. Network) Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubada hoose ayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan waxaa ay ka bilaabeen caawa maagalada Kismaayo, iyagoo ka baqdin qaba in uu weerar kusoo qaado Axmed Madoobe.

Warar lagu kalsoonyahay oo laga helayo magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubada hoose ayaa waxaa sheegayaan ina halkaasi ay ka jiraan dhaq dhaqaayo xoogan oo ay samaynayaan ciidamo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.

Gadiid dagaal oo ay lahaayeen ciidamada Al Shabaab ayaa la sheegay in loo diray deegaano ay ka mid yihiin Dhoobleey iyo Dhiifo ee gobolka Jubada hoose, iyadoo arintaani ay ka dambeysay sida la tilmaamay kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa Axmed Madoobe la sheegay inay kusoo wajahan yihiin magaalada Kismaayo.

Sidoo kale 6-ka mid ah gaadiidka dagaalka oo ay la haayeen Al Shaabab ayaa la xaqiijiyay in laga diray gudaha maaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubada hoose, waxaana warar ay intaasi ku darayaan in caawa dhaq dhaqaaq aadka u xoogan oo ka jira magaaladaasi uu saamayn adag ku yeesheen dhamaan shacabka ku dhaqan halkaasi.

Ciidamda Al Shabaab ayaa caawa waxaa la tilmaamay in Masaajida ku yaala maagaladasi ay kaga wacdinayeen dadka, iyagoo ugu baaqayay shacbka magaaladasi in dhulkooda ay ka difaacdaan Axmed Madoobe oo ay sheegeen in uu kusoo wajahanyahay maagalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubada hoose.

Axmed Madoobay ayaa horey ula dagaalamay ciidamada Al Shabaab ee ku sugan Magaalada Kismaayo waloow Axmed Madoobe aan si rasmi ah meel u haysan, iyadoo ciidamda Shabaabna ay filan karaan markasta in halkaasi uu dagaal ka dhaco.




Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”