Gaalkacyo:(Allpuntland)-Iyadoo maalmihii lasoodhaafay ay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ay ka dhacayeen falal amnixumo ah oo isugujiray dilal loo geysanayo qaarkamid ah shacabka gaalkacyo & Mas’uuliyiinta gobolka & Qaraxyo ayaa ay saraakiisha maamulka gobolka Mudug & Waxgaradka gobolka Mudug waxaa ay maanta aqalka maamulka gobolka Mudug ee Gaalkacyo ku qaateen kulan balaaran oo kusaabsan amaanka guud ee gobolka Mudug & sidii wax looga qaban lahaa.
Kulankan oo ay ka qeybgaleen Gudoomiyaha gobolka Mudug,duqa magaalada Gaalkacyo,gudiga amniga ee gobolka Mudug,gudiga amaanka ee degmada Gaalkacyo,Taliyeyaasha ciidamada kaladuwan ee gobolka,Odayaal,waxgarad,aqoonyahano & xubno kasocda dawlada dhexe ee Puntland oo uu kamidyahay Wasiirka Wasaarada Warfaafinta,Isgaarsiinta,Hidaha & Dhaqanka ee Puntland Cabdixakiim Axmed Guuleed & qaarkamid ah xildhibaanada golaha Wakiilada ee dawlada Puntland ayaa socday saacado badan waxaana lagu lafaguray falalkii u danbeeyey & sidii ay u dheceen.
Shirkan oo ay Saxaafada dibadjoog ka ahayd ayaa ay taliyeyaasha ciidamada kaladuwan ee gobolka Mudug halkaas ka akhriyeen falalka ka dhacay magaalada & qorshayaasha ciidamada ee dhibaatooyinka imika dhacay,waxaana sidoo kale shirkan ka hadlay mas’uuliyiintii kaladuwanaa ee ka qeybgalay iyadoo ay dhinacyadu isku afgarteen in amaanka gobolka meel looga soo wada jeesto.
Warar hoose oo shirkan laga helayo ayaa sheegaya in gudiyo isku dhaf ah oo isku xiraya maamulka & Shacabka ay shirkii maanta ka qeybgaleen islamarkaasna loo balaamy kualmo kale oo kuwaan ka balaaran oo lagu xaqiijinayo amaanka guud ee gobolka Mudug oo imika u eg mid ay kusoo laabteen dilalka qorshaysan oo dhagaha shacabku ay mudooyinkii lasoo dhaafay ka raysteen,iyadoo ay dhacayaan xili ay magaalooyinka kale ee Puntland u egyihiin kuwo degenaantoodu ay sii labajibaarmayso.
Cabdiqani Xayir
Allpuntland
Kulan balaaran oo kusaabsan Amaanka Gaalkacyo
Moderator: Moderators
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super

- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
Kulan balaaran oo kusaabsan Amaanka Gaalkacyo
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 2264 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 1 Replies
- 541 Views
-
Last post by 1_londoner
-
- 0 Replies
- 399 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 523 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 4 Replies
- 567 Views
-
Last post by Skyflyguy
-
- 0 Replies
- 2702 Views
-
Last post by S-D-M
-
- 0 Replies
- 334 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 14 Replies
- 1121 Views
-
Last post by TAATIKO
-
- 0 Replies
- 586 Views
-
Last post by CoolPoison