


Guddoomiyaha Golaha Wakiilada JSL Oo Ku Dhawaaqay Inuu Soo Afjaray Khilaafkii Golaha Labada Qaybood U Kala Jabiyey Muddadii Uu Dalka Uu Ka Maqnaa.
Hargeysa (Ramaas) Jan. 29. 2011- Guddoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [Cirro], ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay in la soo afjaray khilaafkii golaha ka taagnaa muddooyinkan dambe, ka dib markii uu soo dhexgalay arrintan.
Md Cirro oo shir-guddoomiyey fadhigii u horeeyey kal-fadhigii 14-aad ee golaha wakiilada oo maanta ka furmay xarunta cusub ee barlamaanka magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in uu dhamaaday murankii golaha ragaadiyay muddo toddobaada ah ka dib markii uu watashi la yeeshay dhinacdii isku khilaafsanaa mooshinka wax ka badelka xeer hoosaadka golaha, si loo soo celiyo karaamada iyo kalsoonidii shacabka ee golaha, waxaanu Guddoomiyuhu ka soo saaray go’aamo xal kama dambays ah lagaga gaadhay khilaafkii.
Go’aamada Guddoomiyuhu waxa uu dhignaa “Markaan dhegeystay dooda mudanyaasha ka soo jeediyey mooshinka wax ka bedelka iyo kaabista xeerhoosaadka Golaha Wakiilada
Markaan dhegeystay Gudoomiye Ku-Xigeenka 1aad iyo 2aad ee Golaha Wakiilada JSL Markaan la tashaday lataliyayaasha sharci ee Golaha
Markaan arkay in nuxurka khilaafka Golaha uu yahay soo dhigida xeer hoosaadka golaha si kaabis iyo wax ka bedel loogu sameeyo
Markaan eegay qodobka 1aad, 9aad, 22aad iyo 37aad ee Xeerhoosaadka Golaha
Markaan eegay Qodobka 45aad iyo 46aad ee dastuurka
Markaan xogogaal u noqday in Gudida joogtada ah ee Golaha Wakiilada JSL qaateen aqoon korodhsiyo (seminars) ku saabsan kaabista waxa ka bedelka xeerhoosaadka Golaha (Standing Orders of the House) July 2009 , April 2010 iyo May 2010 kaas oo ay gacan ka siiyeen khubaro ka socotay baaralaamanada dalal aan saaxiib nahay iyo AWEPA si xeer hoosaadka Golaha looga dhigo mid la mid ah ka baaralamaanada kale .
Markaan ogaaday in uu jiro nuqul (Darfta) xeerhoosaad oo laga sameeyey doodihii seminars-kaas.
Markaan arkay in nuxurka mooshiinka mudanyaasha yahay kabiista iyo wax bedelka qodoboda xeerhoosaadka
Markaan garawsaday inay mudan tahay in tixgelin iyo mudnaan la siiyo soojeedinta (motion) ee mudanayaasha
Markaan tixgeliyey in mudnaanta kowaad maanta leedahay xalinta jawharada khilaafka golaha oo ah in golaha la keeno dooda wax ka bedelka iyo kaabista Xeerhoosaadka Golaha
Waxaan go,aamiyey
In aan raali geli iyo xaalka ka siiyo mudanyasha jooga iyo kuwa maqanba wixii gef ah ee ay ka tirsadeen xubnaha shirgudoonka mudadii khilaafku Golaha ka jiray.
In Golaha la hor keeno drafta wax ka bedelka iyo kaabista xeer hoosaadka Golaha wakiilada ee ay soo diyaariyeen khubaro ka socda baarlamaanda dalal aan saaxib nahay, AWEPA iyo Gudida Joogtada ah ee Golaha Wakiilada oo muddo dheer diyaarintiisa la waday si goluhu uga dooda . Draft-kani waad mid dhexdhexaad ah ( neutral) oo ayna diyaarintiisa raad ku lahayn shirgudoonka iyo mudanyaashu marka la reebo Gudidda Joogtada ah oo xeerhoosaadku siiyey soo jeedinta wax ka bedelka xeerhoosaadka.
In Gudida Joogtada ah ee Goluhu kalfadhiga furmaya 25.1.2011 warbixin ka siiyaan Goleweynaha Stage-ka uu marayo drafta kaabista iyo wax bedelka xeer Hoosaadka Golaha ee kor ku xusani.
4. In mudanyaashu la sugaan soo jeedimahooda ku saabsan wax ka bedelka, kaabista iyo wax ku kordhinta qodobka xeerhoosaadka marka ay bilaabanto dooda xeerka hoosaadku.
In mudanyaashu xaq u leeyihiin wax kasta uu ay u jideeyeen dastuurka iyo xeerhoosaadka Goluhu.”
Waa Bilaahi Tawfiiq
Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee JSL.
