Fariin uu so socoto Beesha Sade

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
XimanJaale
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12577
Joined: Wed Oct 27, 2010 4:15 am
Location: Buulo Xubeey, Wadajir District
Contact:

Fariin uu so socoto Beesha Sade

Post by XimanJaale »


Qaar ka mid ah jaaliyadda kasoo jeeda gobolada Gedo, Jubbooyinka iyo kuwa Dhexe oo maanta ku dhawaaqay guddi qaabilsan gurmadka abaaraha gobolka Gedo


Shirar isdaba joog ah oo waayadanba ku dhacayay qadka Teleefanka oo ujeedkiisu ahaa sidii gurmad deg-deg ah loogu fidin lahaa dadka iyo duunyada ay dhibaatada culus kasoo gaartay abaaraha ba’an ee gobolka Gedo ku dhuftay ayaa ugu danbeyntii maanta waxaa laga soo saaray go’aano dhowr ah oo ay ka mid yihiin:

1. In qurbajoogta beesha Sade ee kasoo jeeda Gobolada Gedo, Jubbooyinka iyo gobolada Dhexe si deg-deg ah looga aruuriyo dhaqaale wax looga qabanayo baahida iyo biyo la’aanta baahsan ee ka jirta guud ahaan deegaanada hoos taga gobolka Gedo.

2. In farsamada ugu haboon ee loo wajahayo dhaqaale aruurinta ku wajahan gurmadka abaaraha gobolka Gedo uu noqdo mid loo marayo in qaybaha jaaliyadda ee Qaarad kasta ku nool ay iskood isu abaabulaan isagana aruuriyaan dhaqaalaha gurmadka abaaraha, qofkii iskiis isu xil qaama ee raba inuu wax ku darsada gurmada abaarta Gobolka Gedo asna ay u furan tahay oo loo sheego shaqsiyaadkii uu la xariiri lahaa ama wax ku diri lahaa.

3. Waxaa la magacaabay xubno gaar ah oo Guddiga abaaraha wakiil uga ah Wadan ama qaarad kasta, si cidii diyaar u ah inay hor Ilaah wax ula baxdo wax ku darsashada gurmadka dhaqaalaha loogu tala galay abaaraha gobolka Gedo ay ula xariiraan.

4. Maadaama hadda ay gobolka Gedo ka jirto abaar ba’an oo dad iyo duunyo badan galaafatay, iminkana ay in badan oo kale qarka u saaran yihiin in ay u dhintaan baad iyo biyo la’aan, waxaa la’isla gartay in howsha gurmadka abaarta ee ku wajahan gobolka la dadejiyo, waxii dhaqaale ah ee la helana meesha loogu tala galay lagu gaarsiiyo muddo todobaad ah (one week) oo ka bilaabmeyso January 31, 2011 kuna eg February 7, 2011.

Magacyada guddiga gurmadka abaaraha ee maanta la magacaabay ee qofkii raba inuu wax bixiyo uu la xariiryo, meelaha ay joogaan iyo Teleefanada lagala xariiri karaba waa kuwaan hoos ku qoran:


1. Axmed Sh. Cali Nuur (Wakiilka Guddiga abaaraha ee Qaaradda Yurub)
Tel. 4794720438

2. Aden A. Colujoog
(Wakiilka Guddiga abaaraha ee Waqooyiga Mareykanka)
Tel. 602-475-1959

3. Maxamed Dhaqane Cumar
(Wakiilka Guddiga abaaraha ee Wadanka Suudaan)
Tel. 249927158112

4. Mukhtaar Kaamil Kuulow
(Wakiilka Guddiga abaaraha ee Wadanka Kenya)
Tel. 254722743442

5. Dr. Shire Coley
(Wakiilka Guddiga abaaraha ee wadanka Uganda)
Tel. 256711666886 /254720779748

6. Aden Ibrahin
(Wakiilka Guddiga abaaraha ee wadanka Angola)
Tel. 244937621544

Mar labaad, waxaa laga codsanayaa qof kasta oo kasoo jeeda jaaliyadda beesha Sade ee kasoo jeeda gobolada Gedo, Jubbooyinka iyo Gobolada dhexe iyo qof kasta oo Muslim ah ama Soomaali ah ee doonaya inuu wax ku darsado ololahaan gurmadka abaaraha gobolka Gedo, inuu la xariiro xubnaha Guddiga abaaraha ee uu magacooda kor ku qoran yahay (hadba kii u dhow), isla markaana uu u gudbiyo waxii tabarucaad ah ee uu rabo inuu kaga qeyb qaato bad-baadinta dad iyo duunyo wixii wali nool ee gobolka Gedo.

F.G: Beesha Sade ee ku dhaqan Dubai, Mozambique iyo South Africa guddiga gurmadka abaaraha ayaa si deg-deg ah ula xariiri doona, wixii lacag ay qabtaana waa loo sheegi doonaa meesha ay ku diri doonaan.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”