Somali government rejects IGAD's plans for Somalia

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
XimanJaale
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12577
Joined: Wed Oct 27, 2010 4:15 am
Location: Buulo Xubeey, Wadajir District
Contact:

Somali government rejects IGAD's plans for Somalia

Post by XimanJaale »

KN: Kadib shir madaxeedka 16-aad ee Afrika ee ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dalka Itopiya ayuu Ururka Midowga Afrika ku taliyey in waqti sanad ah loogu kordhiyo barlamanka KMG Soomaaliya.



Sida wararka ka imaanayo madasha shirka ka socday ee Addis Ababa tibaaxayaan hogaamiyaasha IGAD ay isku raaci waayeen in wax go,aan ah oo mideysan ay ka qaaataan waxa laga yeelayo waqtiga DKMG marka uu idlaado bisha August ee sanadkan 2011.



Kadib markii uu dhamaaday shirkii 16-aad ee madaxda Afrika ayaa waxaa la qabtay shirkale oo ay gaar ahaan u yeesheen IGAD kaasoo lagu falanqeeynayo marka la gaaro waqtiga ay ku egtahay DKMG Soomaaliya, hase yeeshee waa ay ku guul dareystay in wax go,aan mideysan ka gaaraan ka gadaal markii ay qeybaha ka qeyb qaadanayey kulankaas isku moqif noqon waayeen, iyadoo qaarkood ku taliyeen in waqti loogu daro baarlamaanka KMG Soomaaliya, taasi oo ay sidoo kale soo jeediyeen Madaxda Afrika.



Balse waxaa si kulul uga horyimid arintaas wafuuda ka socotay DKMG ee shirka ku sugnaa, waxaana shirka gaarka ahaa uga Wasiirka Arimaha Dibadda Oomaar, mar uu saxaafada kula hadlay madasha shirka ee Adis Ababa wuxuu si kulul u daboolka uga qaaday in DKMG aysan ogolaan doonin in wax go,aan ah laga gaaro waqtiga dowlada marka uu dhamaado iyo sida la yeelayo, hase yeeshee taasi ay u taalo dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed, beesha caalamkana looga baahan yahay oo kali ah taageero.



Dhanka kale waxaa sidoo kale Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa loogu baaqay in ay la wareegto masuuliyada ciidanka AMISOM oo dhawaan lagu soo kordhin doono askar gaarayso 4,000 oo hoostagaya UNka, iyadoona la ogayn waxa uu noqon karo go,aanka kama dambeysta ah ee ku aadan talooyinka ka soo kala yeeraya hogaamiyaasha IGAD iyo Midowga Afrika ee ku wajahan DFKMG Soomaaliya.



Si kastaba ha haatee Shirka IGAD oo u gaar ahaan Soomaaliya ayaa ku soo dhamaaday is fahmi waa iyo sidoo kale wax go,aan ah oo lagu mideysan yahay, iyadoo IGAD iyo Madaxda Afrika ku baaqeen in la balaariyo howlgalka Ciidamada AMISOM si ay Alshabaab ugu weeraraan goobaha ay ku sugan yihiin.




:clap: :clap: :clap: :
Last edited by XimanJaale on Tue Feb 01, 2011 10:55 am, edited 1 time in total.
User avatar
XimanJaale
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12577
Joined: Wed Oct 27, 2010 4:15 am
Location: Buulo Xubeey, Wadajir District
Contact:

Re: Somali government rejects IGAD and International Communi

Post by XimanJaale »

Dowladda KMG Soomaaliya ayaa kabiyo diiday soo jeedintii Midowga Afrika ay ku sheegeen in la kordhinayo mudada barlamanka Soomaaliya uu jirayo.

Wasiirka arimaha dibadda dowladda KMG Soomaaliya Max’ed C/laahi Owmaar oo qabtay shirjaraa’id oo uu kaga waramayay hadal dhawaan kasoo baxay Ururka Midowga Afrika oo ku aadanaa in uu dhamaaday waqtiga barlamanka islamarkaana lagama maarmaan ay tahay in la badalo ayaa wasiirka waxaa uu sheegay in Midowga Afrika uusan xaq ulahayn in uu go’an ka gaaro arimaha dowladda.

Max’ed C/laahi Owmaar ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay in Midowga Afrika uu yahay mid mar waliba garabtaagan dowladda KMG, wuxuuna tilmaamay inay ka qaadan doonaan talooyinka ugu muhiimsan ee wax lagu hagaajinayo, hase ahaatee uu sheegay inaysan habooneyn in Midowga Afrika uu qaato go’aanka ka dambeys ah.

Hadalka wasiirada arimaha dibadda dowladda KMG Soomaaliya Max’ed C/laahi Owmaar ayaa waxaa uu imanayaa iyadoo dhawaan war murtiyeed kasoo baxay Ururka Midowga Afrika lagu sheegay in waqtiga jiritaanka barlamanka KMG uu ku egyahay 21-Augost 2011.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”