Garoowe:(Allpuntland)-Aqoon Isweydaarsi ku saabsan sare u qaadista Waxbarashada Puntland,taabo gelinta isku xirnaanshaha manaahijta & ku boorinta ardayda ee Waxbarashada ayaa magaalada Garoowe ee caasimada Dawlada Puntland uga furmay qaarkamid ah Barayaasha dugsiyada sare ee deegaanada Puntland,waxaana aqoon Isweydaarsigan looga dooday arimo badan oo quseeya sare u qaadista waxbarashada Puntland.
Aqoon isweydaarsigan oo uu soo qabanqaabiyey Ururka Waxbarashada Afrika ee African Education Trust (AET) oo gacan ka helaya hay’dda Diakonia ayaa socday maalmihii lasoo dhaafay,waxaana uu kulankan oo ah mid balaaran oo ay kasoo qeybgaleen macalimiin waxka dhigta dhamaan dugsiyada sare ee Puntland ayaa loogu talagalay inuu socdo mudo tobon cisho ah oo ka qeybgalayaashiisu ay uga faa’iidaysan doonaan arimo badan oo kusaabsan Mowduucyada looga hadlayo Aqoon Isweydaarsigan.
Ayuub Cabdiraxmaan Cabdalle oo kamid ah barayaasha dugsiga sare ee Cumar Samatar (OSSS) ee magaalada Gaalkacyo kana qeybgalaya Aqoon isweydaarsigan ayaa APL u sheegey in maalmihii lasoo dhaafay ee uu kulankani socday arimo badan ay ka faa’iideen islamarkaasna ay waxyaabo badan kaga doodeen,waxaana uu sheegey in ay rajeynayaan in ay kulankan gabagabadiisa la’isku afgarto qodobo badan oo lagu hormarinayo waxbarashada Puntland.
Mr,Ayuub wuxuu sidoo kale sheegey in kulankan si gaar ah diirada loogu saaray sidii ardayda loogu baraarujin lahaa Waxbarashada islamarkaasna looga wacyigelin lahaa ka qeybqaadashada dhibaatooyinka dalka kajira gaar ahaana Burcad Badeeda,waxaana uu sheegey ka baraarujinta arday ee Burcad Badeeda oo imika noqotay dhibaatada ugu daran ee saameynta ku yeelata dhalinta gaar ahaana kuwa waxbarata wuxuuna sheegay in ay rajeynayaan in kulamo kale oo ku saabsan la dagaalanka Burcada loo qaban doono barayaasha dugsiyada sare ee Puntland.
Cabdiqani Xayir
Allpuntland
puntland move to next level in education
Moderator: Moderators
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super

- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
puntland move to next level in education
Last edited by FBISOMALIA on Wed Feb 02, 2011 1:42 pm, edited 1 time in total.
- sheekh-Farax-zero
- SomaliNet Super

- Posts: 7590
- Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
- Location: pppppppp
Re: puntland move to next level in education
ninyohow caadi ma tihid,,, news meesha loogama baahna ee nacas walba wuxuu qoro ha soo gudbin.
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super

- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
Re: puntland move to next level in education
sxb the news is half of true so if this happening to my state why not to share itsheekh-Farax-zero wrote:ninyohow caadi ma tihid,,, news meesha loogama baahna ee nacas walba wuxuu qoro ha soo gudbin.
Re: puntland move to next level in education
this is a good news why are you mad saxib?sheekh-Farax-zero wrote:ninyohow caadi ma tihid,,, news meesha loogama baahna ee nacas walba wuxuu qoro ha soo gudbin.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 83 Replies
- 3949 Views
-
Last post by Anarchist
-
- 11 Replies
- 535 Views
-
Last post by tightrope
-
- 43 Replies
- 2221 Views
-
Last post by Somaliman%
-
- 3 Replies
- 433 Views
-
Last post by sheekh-Farax-zero
-
- 1 Replies
- 445 Views
-
Last post by Advo
-
- 7 Replies
- 88 Views
-
Last post by JolieFille
-
- 4 Replies
- 537 Views
-
Last post by Babygirl-
-
- 0 Replies
- 531 Views
-
Last post by CismanMaxamud1
-
- 65 Replies
- 4086 Views
-
Last post by abdalla11
