

Puntland oo cambaaraysay xil kororsiga baarlamaanka federaalka ah, sheegtayna in ay la shaqaynsayo guddiga qabyo-qoraalka dastuurka.
Garowe, Feb 05 - War saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland, uuna saxaafadda u akhriyey wasiiru dawlaha dastuurka & arrimaha federaalka ah ee Puntland Dr. Cabdi Xasan Jimcaale ayaa lagu xusay go'aamo ka soo baxay shir aan caadi ahayn oo uu yeeshay golaha xukuumada ee Puntland.
War saxaafadeedka ayaa ka koobnaa 2 qodob: Qodobka 1-aad oo ku saabsanaa xil kororsiga xildhibaanada baarlamaanka federaalka ah ee Somaliya, halka qodobka 2-aad uu la xiriiray qayb-qoraalka dastuurka federaalka ah ee guddiga dastuurka.
War saxaafadeedka ayaa lagu qeexay in Puntland ay diidan tahay xil kororsiga baarlamaanka federaalka ah ee 3-da sano, ayna u aragto mid aan u adeegayn danta ummadda Somaliyed.
War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Puntland ay go'aamisay in:
- Aan loo baahnayn xil kororsi,
- Xil kororsigu uu ka jeedinayo ummadda u diyaarinta habsami u socda, u hawlagalka, maraxaladda kala guurka ah,
- Dawlada puntland in aanay aqbali doonin go'aan kasta oo ka soo baxa baarlamaanka federaalka ku meel gaarka ah ee Somaliya, sidaa darteedna Puntland ay cambaaraynayso, kana soo horjeedo, xil kororsiga baarlamaanka federaalka ah.
Qodobka 2-aad ee war saxaafadeedka ayaa dhigaya in:
- Puntland ay mabda'a ahaan taageersan tahay dastuur federaal ah oo ay yeelato ummadda Somaliyed,
- Puntland ay yaqiinsatay in qaybo-qoraalka dastuurku aanu ahayn mid si cad uga tarjumaya, nuxur ahaan, nidaamka federaalka ah, sidaa darteed ay Puntland si buuxda ula shaqayn doonto guddiga dastuurka, iyada oo u gudbin doonta talooyinkeeda iyo mawqifkeeda ku aadan qaybo-qoraalka dastuurka.



