

Nidaamka waxbarasho ee dagmada Awbarre oo hoggaaminta sare ay ka walwal qabto
Dawlad deegaanka Soomaalida oo run ahaantii ka mid ahaa deegaamada dhanka waxbarashada aadka ugu liita ayaa muddo laga joogo shan sano loo guntaday sidii looga midha dhalinlahaa loona gaadhsiinlahaa baaxaddiisa 60%. Tan iyo haddana marka dhabta laga hadlo waxaa la gaadhsiiyay 45% inkasta oo ay xukumaddu ku tilmaanto 65%. Haddaba dagmooyinka ka faa’iideystay ee run ahaantii natiijo fiican ka gaadhay waxaa ka mid ah dagmada Awbarre. Dagmadu waxay leedahay shan dugsi sare oo ay saddex ka midi yihiin kuwa loo yaqaan ‘preparatory’. Waxaa intaa udheer maadaama uu dadkii noqday beeraley dugsiyo aad ufarabadan oo gaadhsiisan ilaa heer tuulo. Waxaana la filayaa in ay noqondoonto xarunta xoogga shaqaale ee dawlad deegaanka Soomaalida. Taas oo run ahaantii ah mid lagu farxo laakiin warar lagu kalsoonaan karo oo kasoo baxay ila udhaw hoggaaminta sare ayaa sheegaya in xawliga ay ku socoto nidaamka waxbarasho ee dagmadu uu dhib ku yahay mustaqbalka dawlad deegaanka. Taas oo laga baqayo in uu xoogga shaqaale ee dawladdu siiba kuwa loo yaqaan ‘civil servant’ ay inta badan kasoo jeedi doonaan dagmadaas.
DireDawa News
Mashallah the hardest working district in all Somali Region is Awbarre

http://diredawanews.com/2011/01/12/khil ... deegaanka/