Farmaajo ayaa ugu baaqay ciidamada diyaar garoobaan dagaal

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
XimanJaale
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12578
Joined: Wed Oct 27, 2010 4:15 am
Location: Buulo Xubeey, Wadajir District
Contact:

Farmaajo ayaa ugu baaqay ciidamada diyaar garoobaan dagaal

Post by XimanJaale »

Muqdisho : (Sh. M. Network) R/wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya Max’ed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay ciidamada dowladda KMG Soomaaliya in ay u diyaar garoobaan dagaalo uu sheegay in dalka looga saarayo xarakada AL Shabaab [/b

]Max’ed Cabdullaahi Max’ed (Farmaajo) R/wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya oo ay wehliyaan R/wasaare ku xigeenada ahna Wasiirada Gaashaandhiga iyo arimaha gudaha xukuumada KMG oo maanta booqasho ku tagay Xarunta taliska ciidanka Daraawiishta dowladda KMG Soomaaliya ayaa halkaasi waxaa ay kula hadleen ciidankaasi iyadoo R/wasaare Farmaajo uu sheegay in xiligaan la gaaray waqtigii dowladu ay qaadi laheyd dagaal ka dhan Al Shabaab.

Ugu horeyn ayaa R/wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya waxaa uu salaan sharaf ka gudoomay ilaa 500 oo askari oo ka tirsan dowladda KMG islamarkaana labo sano ka hor tababar kusoo dhameystay deegaanka Carmo, waxaana xiligaasi kadib kulan albaabadu ay u laabnaayeen uu la qaatay taliska ciidanka booliska dowladda KMG Soomaaliya.

Kulankaasi kadib ayaa R/wasaaruhu waxaa uu dhex galay ciidamada dowladda KMG isagoo hal hal u gacan qaaday, waxaana uu ka wareystay dhibaatada heysta iyo waxyaabaha ay tabanayaan.

Askarta ayaa u sheegtay R/wasaaraha in mudo 2 sano ah aan la siin wax mushaar ah islamarkaana ay jacelyihiin in ay dalkooda difaacaan, waxaana uu R/wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya u balanq aaday ciidamada dowladda in haatan wixii ka dambeeya ay mushaarkooda heli doonaan.

Ugu dambeyntii R/wasaaraha dowladda KMG ayaa u sheegay ciidamada dowladda in looga baahanyahay in ay wadanka xoreeyaan islamarkaana ay u diyaar garoobaan sidii ay dalka ugu saari lahaayeen dagaalyahano uu sheegay in ay uga soo duuleen Soomaaliya wadamada Afghanistan, Pakistan iyo Jeejniya kuwaasi oo uu tilmaamay in ay dhibaato ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.
User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 32728
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Re: Farmaajo ayaa ugu baaqay ciidamada diyaar garoobaan daga

Post by Khalid Ali »

Al shabaab will destoy tfg and banu inshallah last night they killed 3 tfg troops
User avatar
ToughGong
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15321
Joined: Mon Jul 14, 2008 11:06 pm
Location: No Justice Just Us

Re: Farmaajo ayaa ugu baaqay ciidamada diyaar garoobaan daga

Post by ToughGong »

Image
User avatar
juzme123
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1653
Joined: Thu Dec 16, 2010 3:50 pm

Re: Farmaajo ayaa ugu baaqay ciidamada diyaar garoobaan daga

Post by juzme123 »

seemeyer wrote:Image
Is that his thoughts or Amir Amin's :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”